6th February 2023  admin  Category :

Magac Xumada Maamulka DDS iyo Maamuusta Menilik. Waxa qoray: Faysal Roble

Taariikhdu markay ahayd 1994, maqaal a an ku daabacay Ethiopian Review oo layidhaa “Questions of Conquest: What Past History Weighs on our Generation,” oo la micno ah, “Sualaha Gumeysiga iyo Culayska Taarikhdu ku leedahay Jiilkeena,” waxa aan isberbadhigay Menlik iyo AUN Siyyid Maxamed Cabile Xaxan. Maqaalkaasi waxaad moodaa in uu sadaalinaayey amase ka jawaabayey xaalda manta ka taagan Jigjiga oo ah goob markii ugu horeysa maamus dawl ah siinaysa Menelik.

Madaxweynaha DDS Mustafa Cumar ayaa Menilik ku talimaamey geesi iyo in Soomaali ay waajib ku tahay in ay qoweeyaan taariikhda Menilik. Haweenay Iyana munaasabada ka hadashay ayaaba ka sii dartoo waxay tidhii rag iyo dumar Soomaaliyeed ayaa Menilik gacan siiyey. Waa markii uugu horeysay een taariikhdan maqlo!

Sideedaba Taariikhda Itoobiya marna xaqsoor uma noqon Soomaalida. Marka aan Menilik ka hadlayno, laba dhinac waa in laga fiiriyaa: doorka uu siyaasada Itoobiya ku lahaa iyo tan Soomaalida.

Tan Itoobiya

Adwa waa guusha ugu weyn ee laga sheego Menilik. Laba fakir ayaa ku gadaaman oo kala ah in uu geesi u ahaa iyo in wax la buun buuniyey ay taariikhdiisu u badan tahay. In uu Talyaaniga jabiyey ayaa lagu nuux nuuxsadaa. Arinkaas hadeer waxba qaadaa dhigi mayno. Waxse muhiim ah in sadex arimood hoosta laga xariiqo: (1) xasuuqa uu u geystay Kambata, Wolayta, Xadihya, iyo Oromo; (2) in uu khaaimay Towdrowskii Gonder iyo Yuhaniski Tigre dhexdoodana ka fa’idaysta. (Ed Keller 1984).

Is- afgrad la’anta sadexgeesoodka ah (Tripartite political rivalry) Axmaarada Gonder, tan Shawa, iyo Tigreega waxa u sabab ah dagaalo iyo loolan dhexmaray sadexdaas Nugus ama boqor. (2) In uu xubin ka ahaa qaybintii dhulka Soomaaliyee ee shirkii Berlin (1884).

Tan Soomaalida

Xanuun gaar ah ayey leedahay tan Soomaalidu, ee bal dul maryar aan ku sameeyo si aan umadda u tusno in aanu Menilik ahayn qareen xurmo naga mudan.

Soomaali iyo Axmaaro is-aragoodu waxa uu ku bilaabmay dagaalkii Salaaxudiin ee qarnigii 14aad oo Axmaarada lagaga adkaaday. Waxa xigay dagaladii iyo guusha baaxada lahayd ee Imam Axmed Gurey oo ahaa Qarnigii 16aad. Menilk iyo Sayyidkuna waxa is-hardi xoogan u dhexmaray intii u dhaxaysay 1889 illa 1910. Hadaan rer Galbeeku gacan siin lahayna Siyidka ayaa ka adkaan lahaa, sadarada soo socdana waad ka arki doontaa in Sayida la isugu taga oo Gaalo ka kooban Itoobiya, Igriis, iyo Talyaani hareereeyeen.

Menelik iyo Sayyid Maxamed Cabile Xassan waa dab iyo dhagax. Menlik waxa uu xoog iyo xeeladiisa isugu geeyey gumaad dad Afrikan ah. Dhinaca kale Sayid Maxamed waxa aduukna kaga can baxay in uu yahay shaqsiguu ugu horeeyey ee dayaarad lagu garaaco. Mudo 20 sano ah markii Siyad la jabin kariwaayey, waxa lagu garaacay dayaaradii ugu horeysay abide e meel aan Yurub ahayn ka howl gasha (Air Marshal Sir Hugh Trenchard, Chief of the Air Staff,1920).

Waxa Sayidka la fac ama la taariikh ah geesiyaasha ay ka midka yihiin Dan-Fodiyo (Mulin rer Senegal, Mahdigii rer Sudan, Sakatuurihii rer-Gini Bisawa oo isna Muslin ahaa, iyo Enjonjihii Nijeeriya. Rakaasi aan soo tiriyey uu Siyid Maxamed ugu cansanaa waa reg ku soo can baxay la dagaalanka gumeystihii Yurub. Intii u dhaxaysay 1887 – 1910, wuxuu Menilik aalad gumeysi ka ahaa qaybintii dhulka Soomaaliyeed. Isaga oo Ras Menkonen adeegsanaya, waa Xayle Selassie aabihiis, waxa si arxan daro ah Soomaalida loog qabsaday Adari.

Masaajidkii magaaladaas oo Soomali, Oromo, Herari, iyo Canfar kuwada cibaadaysan jirtayna into la dumiyey ayaa kiniishada madhabada Ortodoxka ah loo badalay.

Dr. Cabdi Sheekh Cabi, oo qoray booga la yidhaa “The Devine Madness,” Waalidii Barakaysany,” waxa uu sheegay in Ingriisku markii uu iska cabin kariwaayey Daraawiishtii in uu adeegsay Menilil. Kadib markii 10,000 oo giniga sterlinka Ingriiska ah ee lacagta xiligaas la siiyey Menlik iyo Ras Menkonen ayaa heshiis sadex geesood ah oo ka kooban Igriis, Talyani, iyo Menlik/Ras Mekonen la go’amiyey in Xabashdu dhinaca galbeedka ee Ogaaden region ka soo weeraraan Sayidka.

Cabdi Sheek, oo ah muwaadin Wardheer u dhashay, waxa uu ku dooday in jabka Sayiid Maxamed ay sabab u ahayd front cusub ee Itoobiya ku furtay. Dagaaldaasi Axmaaradu ku soo qaadeen Sayidka waxa ku baaba’ay madarasadihii Qulunqool ee Sheekh Cabdraxmaan Saylici iyo xadaarado da’weyn oo Daakhato ka jiray.

Hadii cid loo fantasiyeyn, oo la leeyahay Soomaali itoobiyaan ayey noqotay, waxa Menilik kaga haboonaa Lij Iyaasu ama sida Soomaalidu u taqaan Ilyas. Ilyas uu Maxamed Cali aabo u haa waa ninkii qasabka Menilik ku gaaleysiiyey oo la odhanay Maxamed Cali, loona bixiyey markii dagaal lagaga adkaaday Ras Mika’el. Markuu Ilyaas ogaaday in aabihiis Mudlin rer Wolo ahaan jiray ayuu dib usoo Muslimay.

Waxa uu xidhiidh la sameeyey Saiydka, Turkiga, Masar iyo boqorkii Canferta. Tol ayuu sameysan rabay. Waxa uu isla markiiba hadyad ahaan Sayidka ugu soo diray ninki Jarmalka ahaa ee quustarka samayn jiray, Emil Krisch.

Waxaa Ayaan daro ah in manta Menlik si dawli ah Soomaali ugu dabaal dagto. Xataa xiligi Xayle Selassie Amxaaraduna iyadaa iskeed ugu ciidi jirtay Adwa, Soomaaliduna inta masaajidada ay galaan ayay Axmaaro habaari jireen. Maantse Menilik ayaa loo dabaa dagayaa waa arin Geede Shaamo iyo Garasho gumowday.

ALLSANAAG .COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*