7th September 2024  admin  Category :

Magaalada Juurile oo Lagu Qabtay Xaflad Si Heersare Ah Loosoo Agaasimay

Magaalada Juurile oo ka tirsan deegaanada Degmada Waaciye ayaa Waxa Laga Hirgeliyey Xarun Dugsi Quraan oo si Casri ah Loo dhisay.

Dhismaha Dugsigan ayaa Waxa Iska Kaashaday Maamulka iyo Shacabka ku dhaqan Magaalada Juurile iyo weliba Jaaliyada Qurbaha ee Magaalada Juurile kasoo jeeda.

Munaasabad Dugsigan Xariga Looga jarayay oo Lagu qabtay Isla Gudaha Dhismaha Cusub ee Dugsi Quraanka Juurile ayaa Waxa Kasoo Qeybgallay Maamulka Degmada Waaciye Kan Magaalada Juurile iyo Xubno ka tirsan Golaha deegaanka ee Degmada Waaciye iyo weliba  Qeybaha kala Duwan ee Shacabka ku dhaqan Magaalada Juurile.

Intii ay Munaasabadu socotay Waxa madasha laga jeediyey khudbado kala duwan,kuwaas oo looga hadlay horumarka ay gaartay magaalada juurile,kaas oo ay iska kaashadeen Maamulka Magaalada Juurile iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Juurile,iyadoona si weyn Loogu riyaaqay Horumarkan Baaxada Leh ee Magaalada gaartay.

Magaalada Juurile ayaa ah magaalo Qadiimi ah,taas oo leh kheyraad kala duwan sida Wax soo saarka Beeraha oo Muhiimad gaar ah u leh bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland.

Sanad Waliba waxa Beeraha Magaalada Juurile kasoo Go”a Kumanaan Item oo Qudaar kala duwan ah,kuwaas oo Loo Iibgeeyo Magaalooyinka Waaweyn ee deegaanada Puntland.

Raadreeb.com-Juurile.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*