26th July 2024  admin  Category :

Ra’isawasaaraha oo booqday xafiisyada Muqdsho oo ay beeshiisu ka wada shaqeeyaan

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u galay xafiisyada Wasaaraddaha Warfaafinta, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Haweenka iyo xaquuqul insaanka, waxa uuna mid mid u wareystay agaasime waaxeedyada, waxa uuna ka wareystay horumarka iyo caqbadaha howlaha shaqada. Dhamaan shaqaalaha iyo Agaasimayaasha wasaaradahan uu booqday Ra’isawasaaruhu  ayaa waxay u badan yihiin shaqaale ka soo jeeda beesha Hawiye oo  sheegata in  magaalada Muqdisho ay gaar u leeyihiin. Soomaalida kalena ay marti ku yihiin

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Haweenka, isaga oo ku kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda haweenka Samra Ibraahim Cumar iyo agaasimaha Guud ee Wasaarada xilli ay ku howlanaayeen howlaha Wasaarada.

“Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday waxay tahay inaan hubiyo Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan, waxaana si joogto ah booqasho ugu imaan doonaa dhamaan xarumaha Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Intii uu ku guda jiray kormeerkan howleed, Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa tagay xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha, isaga oo xafiiskiisa ugu galay Wasiirka Warfaafinta Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo xilligaasi ku jiray howlihiisa shaqo, waxaana uu si guud u kormeeray qeybaha kale ee xafiisyada Wasaaradda.

“Shaqaalaha Wasaaradaha waxaa laga rabaa inay kordhiyaan wax soo saarkooda iyo howlohooda shaqo, xukuumadeyduna waxay ku dadaaleysaa inay helaan xaquuqdooda iyo agabka shaqada si loogu sahlo Hannaanka shaqada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*