26th April 2024  admin  Category :

Kn: Mid kamid ah magaalooyinka dalka Turkiga ugu horeeya xagga dalxiiska oo loo yaqaano Antalya ayaa lala mataaneeyay magaalada Kismaayo oo sidoo kale ah magaalada ugu hodansan magaalooyinka Soomaaliya.

Wafti balaadhan oo ka socday dalka Turkiga uuna horkacayay safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya ayna weheliyeen xoghaya dawladda Hoose ee Turkiga iyo ganacsato ayaa mid kamid ah heshiisyada ay la gaareen maamul gobolleedka Jubbaland waxaa kamid ahaa mataanaynta labada magaalo ee Antalya iyo Kismaayo kuwaasi oo wadaago dhinacyo badan oo ay kamidtahay cimilada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa ka mahad-celiyay sida ay walaalaha Turkigu u soo dhaweeyeen fulinta dhamaan mashaariicdii ay u bandhigeen, wuxuuna soo dhaweeyay in dawladda Turkigu ay gaarsiiso dhamaan dalka oo dhan mashaariicda hormarineed ee ay ka fulinayso Soomaaliya oo aysan ku ekaan oo kaliya caasimadda qaranka.

Safiirka Turkiga ayaa dhankiisa mahad balaaran u jeediyay madaxda iyo shacabka reer Jubbaland sidii wanaagsanayd ee ay u soo dhaweeyeen ina sooryeeyeen, wuxuuna balanqaaday in dhamaan mashaariicda la isla gartay ay u bilaabi doonaan sida ugu degdegga badan.

Shacabka reer Jubbaland ayaa guud ahaan aad ugu farxay soona dhaweeyay imaansha Turkiga ee gobolka ayagoo aaminsan in Turkigu uu si daacad ah horumar la taaban karo uga gaysanayo deegaanka, halka Imaaraadka oo intii muda ahba ku irmaanaa gobolka ay u arkaan lug-gooyo aan dalka wax faa’iido ah u soo wadin.

Labada sawir ee hoose midka bidix waa Antalya, midka midigna waa Kismaayo, labadoodana waxaa kala hormariyay ama kala hagraday dad kooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*