7th September 2024  admin  Category :

magaalada dadka ku dhinta aan lagu aasin

Magaaladan ku taalla dalka Norway oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa waxaa qiyaas ahaan ku nool ilaa 3000 oo qof.

Magaaladan oo la yirahdo Longyearbyen ayaa ah jasiirad ku taala bartamaha dalka Norway waxaana khasab ah in qofkii ku xanuunsadaa gudaha magaalada uu isaga baxo haddii uu ku dhintana laguma aasi karo magaaladaas.

Qofka marka uu xanuunsado ama sakaraad noqdo waxaa loo dirayaa magaalooyinka kale ee dalka Norway si ay halkaas ugu geeriyoodaan waxaana jira sharci ah in haddii qof uu ku dhinta aysan cidna xabaali karin.

Sharcigan ayaa magaalada Longyearbyen ka dhaqan galay muddo ka badan 80 sannadood kahor, waxaana sanadkii 1918 albaabada la isugu dhuftay xabaalaha magaalada oo dhan.

Magaalada Longyearbyen ayaa ah magaalo aad u qabow oo inteeda badan ay baraf ah, waxaana mararka qaar dhacda in qabowga uu gaaro -50 oo ah qabow xad-dhaaf ah.

Sababta keentay in magaaladan aan meydka loogu aasin

Sanadkii 1918-kii, waxaa adduunka ka dilaacay hergab lagu magacaabay Spanish Flu, kaas oo ku dhacay dad lagu qiyaasay 500 oo milyan oo qof.

Sanadkii 1918-kii, waxaa adduunka ka dilaacay hergab lagu magacaabay Spanish Flu, kaas oo ku dhacay dad lagu qiyaasay 500 oo milyan oo qof.

Meelaha uu ka dilaacay xanuunkaas waxaa kamid ahayd magaalada Longyearbyen oo dad gaaraya ilaa 11 qof ay ugu dhinteen, dadkaas oo lagu aasay isla magaaladaas.

Balse qabowga magaalada oo aad u daran ayaa waxay keentay in dadkii u geeriyooday xanuunka ee lagu aasay magaalada uusan jirkooda baab’in, taas oo khubarada caafimmaad ay sheegeen inay jirto halis ah in xanuunka ay markale dadku ka qaadi karaan dadkii u dhintay ee lagu aasay magaalada, kuwaa oo jirkooda uusan burburin, walina sidiisi yahay.

Dr. Kirsty Duncan oo katirsan jaamacadda Windsor iyo koox uu hogaaminayo ayaa tegay magaalada, si ay wax uga ogaadaan.

Waxay tijaabo kasoo qaadeen qof u dhintay xanuunka oo lagu aasay Longyearbyen, waxayna ogaadeen in wali xanuunka Spanish Flu uu jirkiisa ku jiro.

Xabaalaaha magaalada ayaa waxaa la xiray muddo ka badan 70 sano

Christian Meyer oo sidoo kale katirsan jaamacadda seyniska iyo tiknoljiyadda ee Norway ayaa horay u sharaxay sababta aanan dadka loogu aasi karin magaaladaas.

“Sababta dhulkaan marwalba barafka ah aanan dadka loogu aasi karin ayaa waxay tahay in qofka marka uu dhinto halkii la rabay in jirkiisa uu baaba’o uusan sidaas noqoneynin, sidookalena barafka uu bannaanka usoo saarayo meydka”, ayuu yiri Christian Meyer.

Wuxuu sidoo kale sheegay in barafkaas uu sii nooleyn karo cudurka uu qofka u dhintay, taasina ay keeni karto in dadka degan magaalada ay qaadaan xanuunka.

“Haddii aad u maleyso in aad dhimaneyso, waxaa la sameyn dedaal walba oo laguugu geyn karo meel ka baxsan magaalada”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Arrintan ayay saraakiisha dowladda Norway ee magaalada Longyearbyen sheegeen in haddii aanan la dhaqan-gelin lahayn ay horseedi lahayd dhibaato caafimaad, waana taasi sababta keentay inay la yimaadaan qorshahan horseeday in dadka laga mamnuuco in lagu aaso magaalada.

Khubarada caafimaadku waxaa kale oo ay sheegeen in xanuunada ay u dhintaan dadka lagu aaso magaalada ay si sahlan ku faafi karaan.

Mas’uuliyiinta dowladda waxaa kale oo ay sheegeen in haddii dadka deegaanka ay taabtaan meydadkaas, ay si sahlan ku qaadi karaan Spanish Flu oo mar dunida u aafeeyay si lamid ah feyraska corona. Xabaalaha magaalada Longyearbyen ayaa ah kuwa aanay dadka deegaanka ku tashanin.

Hergabka Spanish Flu ayaa la aaminsan yahay in caalamka uu ku dilay inkabadan 50 milyan oo qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*