28th March 2024  admin  Category :

Madixii Mashruuca Ballaarinta Dekedda Boosaaso ee DP World oo La dilay

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa lagu toogtey maamulihii shirkadda DP World Paul Formasa oo dhalashadiisu tahay wadanka Talyaaniga.

Nin hubaysan oo la sheegay inuu ka mid ahaa kalluumaysatada Boosaaso ayaa la sheegay inuu weerarka gaystay, kaasi oo sida la sheegay ka caraysnaa go’aan uu shalay kusoo rogay Paul kalluumaysatada Bosaso.

Sidoo kalle waxaa jira dhaawac sooo gaaray ilaaladiis, waxaana saraakiisha ciidamada ammaanka ee dekedda Boosaaso ay xaqiijiyeen dhaawaca soo gaaray masuulkan inuu sababay in loo qaaday xarun caafimaad oo kutaal gudaha magaalada Boosaaso oo uu ku geeriyoodey.

Dilka ayaa ka dhacay suuqa kaluunka ee magaalada Bosaaso ee loo yaqaan Neg-fish oo aan sidaa uga fogeyn dekadda kadib markii uu halkaas saakay tegey Paul Faramosa maadama uu taagnaa muran la xiriira goobtan ay kusoo xirtaan saxiimadaha kaluumaystadu.

Kaluumaysatada ayaa ka cabanaysay go’aamo ay soo saartay shirkadda DP World oo ahaa inay isaga guuraan goobtan, waxayna wararku sheegayaan inuu dilkan geystay nin dhalinyaro ah.

Paul oo kasoo jeeda Jasiiradda Malta ayaa ahaa madaxa DP World ee dekadda Bosaaso tan iyo Bishii Oktoobar 2017.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*