31st October 2024  admin  Category :

Akhriso war saxaafadeed uu Aqalka sare soo saaray “Madaxweynuhu Dastuurka yuu jebiyey”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si weyn uga hor-yimid hadalkii shalay uu ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo Golaha Shacabka, kaasoo ku dafiray jiritaanka Aqalka Sare.

Cabdi Xaashi oo maanta ka hadlayay fadhigii Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si layaab leh ugu xadgudbay Dastuurka, isagoo soo qaatay qodobo dhowr ah oo dastuurka ka mid ah.

“Hadal jeedinta Madaxweynaha ee Golaha Shacabka wuxuu ku sheegay waajibaadka saaran kan ugu muhiimsan inuu yahay ilaalinta dastuurka dalka, Madaxweynuhu wuxuu si layaab leh ugu xadgudubay dastuurka dalka, hadaba hadaljeedintiisa waxaa ka soo qaatay dhowr weerood gaf ku ah sharciga.

1- Madaxweynaha wuxuu yiri Golaha Shacabka waa aas aaska nidaamka dowladnimadeena, dowladnimadeenu waa Golaha shacabka, halkaas waxaad ka arkeysaan in Madaxweynihii sharciga dhan inuu tuuray golaha shacabka ma ahan dowladnimadeena waa aqal ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

2- Madaxweynuhu wuxuu yiri Golaha shacabka hey’addaha ugu sareysa ee matalaada shacabka oo aad tihiin wakiilada shacabka ee soo doorteen oo halkan u fadhiya dowlad goboleeyada

3 Madaxweynaha wuxuu yiri wuxuu wakiil u yahay dowlad goboleedyada, wuxuu wakiil u ah shacabka Soomaaliyeed, go’aanadagaartaan waa mid dalka oo dhan laga aqbalo waana sida caalamka u shaqeeyo, madaxweynaha wuxuu yiri waxaa idin caddeynayaa inaan halkan golaha shacabka ku soo celin doono heshiis walba oo aan la gaaro Madaxda dowlad goboleedyada, si aad kaalintiina dastuurka uga qaadataan.

“Haddaba Madaxweynaha miyuusan ogeyn dalka uu Madaxweynaha ka yahay dal qaatay nidaamka federaalka oo ay tahay inuu yeesho labo Aqal oo Hal Baarlamaan, kuwaasoo ah aqalka sare iyo golaha shacabka”ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.

“Madaxweynaha haddii uusan aqrin dastuurka dalka waxaa u soo jeedinayaa inuu aqriyo si uu u ogaado qodobada soo socda,

1- Qodobka 55aad dastuurka KMG ee qeexaya baarlamaanka federaalka inuu ka kooban yahay labo aqal golaha shacabka iyo aqalka sare

2- qodobka 61aad tirsigiisa 3aad iyo 71aad ee dastuurka kmg oo qeexaya aqalka sare uu matalo danaha dowlad goboleedyada iyo ilaalinta nidaamka federaalka

3- Qodobka 89aad ee dastuurka KMG oo qeexaya doorashada Madaxweynaha inay dooranayaan labada aqal ilowsha dhowinaaa inagu Soomaali

“aas aaska dowladnimada dalka waxay ka kooban tahay 3 hey’adood oo kala ah Hey’adda sharci dejinta oo ka kooban golaha aqalka sare iyo golaha shacabka, hey’adda fulinta hey’adda garsoorka, ma ahan dowladnimadeena golaha shacabka, dowladeenu waxay ka kooban saddexdaas hey’addood”

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo marka uu ka hadlayo arrimo Qaran ay tahay in Madaxweynuhu uu u jeediyo Labada Aqal oo aan aheyn kaliya Golaha Shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*