26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo maalmahan ugu maqnaa Dalka Jabuuti ayaa lagu soo dhoweeyay Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo maalmahan ugu maqnaa Dalka Jabuuti ayaa lagu soo dhoweeyay Garoowe. Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaaladda Kala guurka ah ee dalku marayo iyo Doorashooyinka, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ka warbixiyey safarkii Jabuuti oo guul kusoo dhammaaday.

Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe waxaa Madaxweynaha kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Abuukate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Ciidan, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyoqaybaha kala duwan ee Bulshada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*