29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Allaha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee KMG ah burburkii kadib ayaa ku geeriyooday Nairobi.Taariikh nololeedkii Madaxweyne Cali Mahdi Alle ha u naxariistee.

Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii markuu ahaa 1938. Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, Madaxweyne Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira ee dalka Masar u aaday waxbarasho.

Madaxweyne marxuum Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo Barlamaankii Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu da’da yaraa ee xubin ka noqda golaha Barlamaanka Soomaliyeed.

Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud.

Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi.Madaxweyne Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waa weyn ee dalka.

Sanadahii siddeetamaadkii Madaxweyne Cali Mahdi iyo aqoonyahanno Soomaliyeed ayaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee xilligaas Maxamed Siyaad Barre.

Kadib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, sanadkii 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.Cali Mahdi Maxamed noqdqy madaxweynihii 4-aad ee Soomaliya, xafiiska intii uu joogay waxay aheyd Jannaayo, 1991 ilaa Juun, 1995.

Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdisho.Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000.

Madaxweyne Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenay. waxaa jiro waxyaabo badan oo lagu xusuusan doono Alle u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi oo caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*