28th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Xassan oo la Kulmay Madaxa USAID oo booqasho ku tagtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Madaxa hay’adda gargaarka caalamiga ah ee dawladda Maraykanka USAID Samantha Power oo booqasho ku tagtya Muqdishu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara, ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxa hay’adda USAID Samantha Power ayaa dhowaan ku dhowaaqday in ka badan 1 bilyan oo dollar oo Maraykanku ku bixnayo sidii looga hrtgai lahaa dhibaatooyinka la xiriira abaaraha iyo baahida ee Geeska Afrika, waxaana tobannaan milyan oo lacagtaasi ka mid ah ah wax looga qaban doonaa wax ka qabashada abaaraha iyo barnaamijyada horumarinta Soomaaliya.

Maraykanka ayaa ah waddanbka gargaarka bani’aadminnimo ee ugu badan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*