1st February 2023  admin  Category :

MADAXWEYNE XASAN CUKUSOW OO KU QAABILAY MADAXTOOYADA QARANKA WASIIRKA HORUMARINTA IYO ARIMAHA AFRIKA EE DOWLADDA UK.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska mudane Andrew Mitchell ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Wasiirka la wadaagay guulaha dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u xoreynta dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo dolwad dhiska ayaa xusay dadaalka xooggan ee dowladdu ay ku bixinayso xaqiijinta Soomaaliya xor ah, ammaan ah, isku filan isla markaana ka faa’iideysata fursadaha horumarineed ee caalamaiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska mudane Andrew Mitchell oo bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka argagixisada iyo deyn cafiska ayaa sheegay in dowladda UK ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha iyo fududeynta in Soomaaliya ay hesho mashaariicaha horumarineed iyo kuwa lagula tacaalayo saamaynta isbaddalka cimmilada isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

70Suheb seylici and 69 others5 Comments2 SharesLikeCommentShare

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*