22nd December 2024 admin Category :
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo kormeeray wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood
Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo uu ka socdo dib-dayactir lagu sameynayno.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay sida shaqadu u socoto waxaana uu warbixin ka dhegaystay Injineerada iyo maamulka shirkada gacanta ku haysa wadada, wuxuu boggaadiyay shaqada socota isagoo kula dar-daarmay in lasii dardargeliyo.
Kormeerka waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada DGPL, Labada Guddoomiye ee Gobollada Sool iyo Nugaal, Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.
Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. pic.twitter.com/TtIzUCv0jD
— SomaliPM (@SomaliPM) October 10, 2021