
29th March 2025 admin Category :
Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Sudan oo xabsiga la dhigay iyo xaalka ka sii daraya
Xariga madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar ayaa si hufan u burburay heshiiskii nabadda ee 2018-kii ee lagu soo afjaray dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka socday shantii sano ee la soo dhaafay, sida uu sheegay xisbigiisa.
Kolonyo hubeysan oo uu horkacayaan saraakiisha ugu sareysa ammaanka oo uu ku jiro wasiirka gaashaandhigga ayaa gudaha u galay hoyga Machar uu ka degan yahay magaalada caasimadda ah ee Juba, waxaana ay hub ka dhigis ku sameeyeen ilaaladiisa goor dambe oo arbacadii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen kooxda mucaaradka Sudan ee SPLM/IO.
Machar ayaa lala xiray xaaskiisa Angelina Teny, oo sidoo kale ah wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas, ayuu xisbigu ku daray.
Mareykanka ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta in ay sii daayaan Machar, iyadoo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalalka deriska ah ay dhamaantood muujiyeen dareenka
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan, Unmiss, ayaa ka digay in waddankan cusub ee adduunka uu halis ugu jiro inuu lumiyo “guulaha adag ee la gaaray toddobadii sano ee la soo dhaafay” haddii ay soo noqoto “xaaladdii dagaal”.
“Caawa, madaxda dalka waxay qarka u saaran yihiin inay dib ugu laabtaan khilaafkii baahsanaa,” ayay ergadu ku sheegtay bayaan Arbacadii.
Dowladda ayaan weli ka hadlin xariga lasheegay ee Machar.
Laakin isagoo la hadlayay hogaamiyayaasha diinta Arbacadii, madaxweyne Salva Kiir wuxuu yiri “waligiis dalka dib uguma soo celin doono dagaal”.
Xiisad ayaa ka dhex aloosantay Machar iyo madaxweynaha dhowr toddobaad ka hor.
Labada hogaamiye ayaa ku heshiiyay bishii Agoosto ee 2018 in la soo afjaro dagaaladii sokeeye ee u dhaxeeyay ciidamadooda oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400,000 oo qof. Laakin todobadii sano ee la soo dhaafay xiriirkoodu aad ayuu u xumaaday iyadoo ay jirto xiisado qowmiyadeed iyo rabshado goos goos ah.
- “Waxaan soo cabay kaadi, waxaana ku sigtay in aan cuno meydka saaxibkay”8 Luulyo 2021
- Sida ciidamada Sudan u soo afjareen go’doomintii ay RSF ku haysay magaalada muhiimka ah ee El-Obeid24 Febraayo 2025
“Xadhiga iyo haynta Riek Machar waxay si wax ku ool ah u keenaysaa in heshiiskii [nabada] uu burburo,” ku xigeenka SPLM/IO Oyet Nathaniel Pierino ayaa u sheegay suxufiyiinta Khamiistii.
“Rajada nabadda iyo xasilloonida Koonfurta Suudaan hadda waxaa la geliyey khatar weyn,” ayuu raaciyay.
Digniin tan la mid ah ayaa waxaa soo saaray howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka, kaasoo sheegay in madaxda dalka “ay qarka u saaran yihiin inay dib ugu laabtaan colaado baahsan”.
Waxaa xaaladda uga sii daray ciidamada Uganda iyo taangiyada dagaalka ee ay wataan oo la geeyay Koonfurta Suudaan, kaddib codsi ka yimid madaxweynaha dalkaas, sida ay sheegtay guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan Yaasmiin Sooka.
Waxay sheegtay in ay walaac xooggan ka muujinayso xadgudubyada suurtagalka ah ee ka dhanka ah cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay iyo doorka sii kordhaysa ee ciidamada shisheeye, taas oo khatar sii gelinaysa dadka rayidka ah isla markaana khatar gelinaysa in gobolka uu xaalad xun galo.
Xaalad kacsanaan ah ayaa weli ka jirta Juba iyadoo la soo sheegayo in ciidamo aad u badan ay ku sugan yihiin agagaarka guriga Machar.
“Shacabka ayaa argagax ku jira,” ayuu hoggaamiyaha bulshada rayidka Edmund Yakani u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
“Waxaa jirta fursad sare oo dagaal buuxa uu ku qarxi karo laakiin waxa ay noqon doontaa mid aad u dhimasho badan iyo rabshado badan sababtoo ah [baahida] aargoosiga ayaa badan,” ayuu raaciyay.
Pierino ayaa ugu baaqay xubnaha SPLM/IO iyo shacabka inay isdejiyaan iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo xaaladda.
BBC-da ayaa fahansan in Midowga Afrika iyo urur goboleedka Igad la filayo in jimcaha ay wufuud heer sare ah u soo diraan magaalada Juba, si ay gacan uga geystaan xakameynta xiisadda sii kordheysa.