18th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoomiyaha Ururka ONLF

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa la kulmay Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar iyo xubno ka tirsan ururka oo fadhigooda yahay Eritrea.

Qoraal kooban  uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Axmed ayuu ku sheegay in Madaxweynaha la kulmay Guddoomiyaha ONLF, isla markaana uu Madaxweynaha xoogga saaray baahida loo qabo iskaashiga, nabadda, horumarka iyo ammaanka Geeska Afrika.

Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar ayaa u sheegay Idaacada VOA in Madaxweyne Farmaajo uu raalli gelin ka bixiyay dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax, isla markaana uu aqoonsan yahay go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in ururka ONLF yahay urur xaq u diri ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*