7th September 2024  admin  Category :

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa laga dareemayaa qaban qabaabada soo dhaweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi “Farmaajo” oo ku wajahan magaaladaasi.

Sidoo kale,waxaa maanta magaalada Muqdisho ka baxay Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya,iyo Xildhibaanno hordhac u ah booqashada madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Puntland, kuwaasoo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo u ambabaxaan magaalada Garowe,iyadoo sidoo kale madaxweynaha ayaa booqandoona deegaano kale oo ka tirsan Puntland.

Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa intuu ku sugan yahay magaalada Garowe wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland,kuwaasi oo uu kala hadli doono Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa.

Booqashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi “Farmaajo” uu ku tagayo Puntland ayaa noqonaya tii ugu horeeyay tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya 8-february ee sanadkii 2017.

30a

30a1

30a2

30a3

30a4

30a6

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*