26th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia Mohamed Abdullahi “Farmajo” ayaa kullan gaar ah  magaalada London kula yeeshay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha dalka Kanada  Ahmed Hussein oo   ka qeybgalay shirkii  looga hadlayay arrimaha Soomaaliya

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, dardar gelinta iyo kordhinta taageerada Dowladda Canada siiso Soomaaliya, isagoo madaxweynuhu  aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada heerka uu ka gaaray siyaasadda Canada islamarkaana ay muujineyso dedaal dheeraad ah, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda Canada taageerada joogtada ah oo ay la garab taagantahay shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirka socdaalka  Canada wuxuu ballanqaaday inay dowladda Canada sii joogteyn doonto taageerada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed ee ay ku caawineyso shacabka Soomaaliyeed,  isagoo farta ku fiiqay in xukuumadda Canada ay malaayiin doollar ku bixisay gurmadka abaaraha iyadoo laga jawaabayo baahida iyo dhibaatooyinka abaaraha iyo macluusha saameysay malaayiin qof oo ku sugan geeska Afrika si dadkaas u helaan cunno iyo biyo nadiif ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*