29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 26 October 2017 garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku sagootiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane Maxamed Cismaan Jawaari  iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare  ee DFS Mudane. Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ku-xigeenkiisa iyo wufuudda kele ee safarkooda ku wehelinayseyba.

Sagootinta weftiga ay horkacayeen Guddoonka Labada Aqal ee DFS ayaa waxaa Madaxweynaha kuwehelinaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dawladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Guddomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka DFS ayaa soo kormeeray ka hor inta aanay Garoowe ka ambabixin qaar kamid ah Wasaaraddaha dawladda Puntland  oo ay kamid yihiin, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Degaanka iyo Duurjoogta, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaana ay dhammaantood masuuliyiinta Wasaaraddahaasi iyo weftiga ay hogaaminayeen Gudoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya is dhaafsadeen Su’aalaad, Jawaabo iyo is xowaraysi ku qotoma shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradduhu iyo xidhiihdka u dhexeeya iyaga iyo Wasaaraddaha dhiggooda ah ee DFS, iyagoona kulamo gaar la qaatay Madaxda Wasaaraddahaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas, Guddomiayaha Golaha Wakiillada Puntland iyo masuuliyiinta goleyaasha DFS ayaa kormeeray garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kaas oo dhismihiisu  marayo meel gebogebo ah lana soo dhamaytiridoono dhawaan dhismihiisa,  waxaana uu kamid yahay garoonku kaabayaasha dhaqaale ee muhiimka u ah shacabka reer Puntland ee uu dhismihiisu ka socdo dalka.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo sagootiyey wufuudda ay hogaaminayeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Puntland iyo shacabkeedaba sharaf weyn u tahay imaanshahoodu, arkaan horumarka iyo  quruxda dawladnimo ee Puntland ka jirta.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay inay Guddoonka Baarlamaanka DFS  is waydaarsadeen talooyin iyo xogo  ku saaabsan sidii Soomaaliya loo horumarinlahaa loona gaadhsiin lahaa meel ay u qalanto inay joogto oo ah dhanka horumarka, bilicda, dawladdnimada, Fadaraaliisamka iyo waxkasta oo wanaagsanba.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dawladda Puntland  ayaa dhankiisa masuuliyiintani ku booriyey inay joogteeyaan booqashooyinkooda ay ku imaanayaan Puntland, taas oo suura gelinaysa in la wanaajiyo lana dardargeliyo wada shaqaynta Goleyaasha Baarlamanaka DFS iyo Golaha Wakiillada dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kubooriyey maamullada kale ee dalka inay yimaadaan Puntland arkaan horumarka iyo dawladnimada ka jirta si ay iyana u horumariyaan maamulkooda una gaadhsiiyaan meesha ay Puntland ka joogto dhanka horumarka, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, shuruucda, kala danbaynta iyo nidaamka fadaraaliisamka ee ka jira Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhankiisa isna tilmaamay in ay tahay wax lagu tusaalo qaadan karo wada shaqaynta hufan ee ka dhexaysa golaha sharci dejinta dawladda Puntland iyo tan golaha fullinta Puntland iyo sidoo kale doorka ay ku leeyihiin dhismaha dawladda dhaqanka Puntland iyo shacabkooduba oo iyana door wanaagsan kule dhismaha dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay dhowaan ku yeelan doonaan Puntland gaar ahaan caasimadda Garoowe xafiisyo labada Aqal ee Baarlamaanka dawladda Fadaraalka Soomaaliya, si ay u meelmarto wada shaqaynta goleyaasha fullineed ee Puntland iyo DFS.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*