28th January 2022  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaarada Janaraal Maxamed Abshir.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 09 Nov 2018 Kormeeray garoon caalamiga ah ee diyaaradaha Garoowe Janaraal Maxamed Abshir.
Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey kormeerkiisa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Axmed Karaash, hawl-wadeenada Wasaaradda Duulista Hawada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa kormiisa ugu horayn ka bilaabay banaanka hore ee garoonka, gaar ahaan dhismayaaasha laydhadh casri ah oo Cadceeda ku shaqeeya, kuwaas oo garoonka lagu soo kordhiyey.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*