26th July 2024  admin  Category :

MADAXWEYNAHA OO QADO SHARAF U SAMEEYAY CARRUURTA AGOONTA AH EE KU JIRTA XARUNTA AGOOMAHA EE GAROOWE.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Jimce ah Qasriga Madaxtooyada kulan Qado sharaf ah ugu sameeyay Carruurta Agoonta ah ee ku jirta xarunta agoomaha ee Garoowe.

Munaasabadda waxay isugu jirtay booqasho Caruurta loogu sameeyay Madaxtooyada iyagoo qeyb qeyb u booqday dhismeyaasha iyo xafiisyada Madaxtooyadu ka koobantahay, intaasi kadib waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xaladaada ka xogwareystay.

Maamulka, macalimiinta xarunta Agoomaha iyo Carruurta Agoonta ahba waxay ka mahadceliyeen Qado Sharafta, Kulanka iyo in marwalbo uu xaaladooda si hoose ula socdo Madaxweynaha Dowladda Puntland, waana markii labaad ee uu kulan kula qaadanayo Madaxtooyada.

May be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of one or more people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of indoor
May be an image of 3 people, people standing and outdoors

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*