16th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Koofurgalbeed oo Muqdisho kula kulmay safiirada Turkey iyo Qadar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho safiirka Dowladaha Turkey iyo Safiirka Dowlada Qatar ufadhiya Soomaaliya.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa safiirka Turkiga Mehmet Yilmaaz iyo kan Qadar Xasan Bin Xamza kala hadlay weerarkii Al Shabaab shalay ku qaaday Injineerada Turkiga ah ee ku howlanaa dhismaha wadada isku xirta magaaladda Muqdisho ee caasimadda wadanka iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

“Waxaa Madaxweynuhu ka Tacsiyadeeyey Qaraxii Argigixisada Al shabaab ay ka Geesteen Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo Sababay Qasaaro isugu jira Dhimasha iyo Dhaawac” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa sidoo kale kala hadlay Safiiradda Qadar iyo Turkiga oo mashruucaan wadajir u fulinaya sidii loo sii wadi lahaa dhamaystirka wadadaan oo muhiim u ah isku socodka magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha hoose.

Kulankan ayaa dhacay kadib markii uu Madaxweyne Lafta-gareen maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ku maqnaa dalka Turkey mudooyinkii dambe safar ku joogay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*