18th October 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jabuuti oo shaaciyay mowqifka ay dowladdiisu ka qabto Aqoonsiga Somaliland

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa caddeeyay mowqifka ay dowladdiisu ka qabto aqoonsiga Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland.

Geelle oo la weydiiyay in xukuumaddiisu ay aqbali doonto madaxbannaanida Somaliland oo ictiraaf raadineysay in ka badan soddon sano ayaa sheegay in waddankiisu uusan diyaar u ahayn inuu abuuro xiisad.

“Waxa aan nahay dalkii u dhanbeeyay ee aqoonsi hela, marka ma rabno inan abuurno dhibaato dhanka xuduuda ah,” ayuu yiri Madaxweyneha Jabuuti.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay la wadaagaan xiriir qoto dheer, ayna tixgelinayaan madaxbannaanideeda dhuleed.

“Madaxda dalalka deriska waxa aan la leenahay cilaaqad saaxiibtinimo, annaguna waannu kala shaqeynaa xiriirka, sido kale waxaan xirir la leenahay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay taasi ku kala duwan yihiin in Soomaaliya ay tahay dawladda Federaalka, oo aan ixtiraameyno midnimadeda dhuleed,” ayuu yiri.

Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhaliyay hadal-heyn aad u ballaaran oo qabsatay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay faafinayeen wareysiga uu bixiyay.

Marar kale oo ay hadal heyn ka dhalatay arrinta aqoonsiga Somaliland

Hargeysa

Dhowr jeer oo hore ayey cirka gashay hadal-heynta la xiriirta aqoonsiga Somaliland oo si joogto ah u soo noqnodota, balse mowqifka Jabuuti ayaa u muuqda mid uusan wax mugdi ah ku jirin.

Horaantii sanadkii lasoo dhaafay ayuu baarlamaanka Ingiriiska furay dood ku saabsan aqoonsiga Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Hase yeeshee isla waqtigaas oo ay mowduuca dad badan ka fal celinayeen ayey dowladda Ingiriiska shaacisay mowqifka ay ka taagneyd arrintaas.

Victoria Grace Ford, oo ahayd Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa war ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku sheegtay in dowladdeeda ay mowqif joogto ah ka taagan tahay arrimaha la xiriira darajada Somaliland.

“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay ku tiri qoraalkeeda.

Victoria Grace Ford
Qoraalka sawirka,Victoria Grace Ford

Maalmo ka dib dooddii baarlamaanka UK, Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Kenya ee xilligaas Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Bishii Maarso ee sanadkii 2022 ayey dowladda Mareykanku shaacisay mowqifkeeda ku aaddan isla mowduucan.

Xilli uu madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, booqasho ku joogay Mareykanka ayey Waaxda arrimaha dibadda ee dalkaas ku dhawaaqday in ay Somaliland ay u aqoonsan yihiin qeyb ka mid ah Soomaaliya.

Weli waxaa hakad ku jira wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland oo labada dhinac ay uga xaajoonayeen arrimo ay isku hayaan.

Somaliland ayaa 1991-kii ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*