26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Furay Kalfadhigii 38-aad Ee Baarlamaanka Dawladda Puntland, Kadibna u Safray Dalka Emaaraadka Carabta.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 29 October 2016 waxaa uu  furay  kal fadhigii 38-aad ee baarlamaanka  Dawladda Puntland.

Kalfadhigan 38-aad ee barlamanka dawladda Puntland ee uu furay madaxweynaha dawladda Puntland  ayaa waxaa ku weheliyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay, guddoomiyaha barlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi iyo guddoomiye ku xigeenadiisa.

Gudoomiyaha baarlamaanka Dawladda Puntland mudane Axmed Cali Xaashi ayaa ugu horayn ka hadlay  Kalfadhiga 38-aad ee barlamaanka Dawladda Puntland isagoo shegay in kal fadhigan  uu ka mid yahay shaqooyinka dastuuriga ah ee Dawladda Puntland, waxuuna uu uga mahad celiyey masuuliyiinta sare ee Dawladda Puntland, waxaa sidoo kale kalfadhiga hadalo muhiim ah ka jeediyay qaar kamid ah masuuliyiinta golayaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal, xubnaha beesha caalamka, ururada haweenka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa ka jeediyey kalfadhiga 38-aad ee baarlamanka Dawladda Puntland  Khudbad dheer oo ka xog waramaysa waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay shaqay naysay gaar ahaan lixdii bilood ee ugu danbaysey.

Qaar kamida Xildhibaanada golaha shacabka ee Dawlada Puntland ayaa su’aalo la xiriira wax qabadka Dawladda waydiiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, isagoona Madaxweynuhu uga jawaabay xildhibaanada su’aalihii ay waydiiyeen.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u furay kalfadhiga 38-aad ee baarlamaanka Dawladda Puntland, isagoo ku amaanay xildhibaanada kala danbaynta iyo hirgelinta ajandayaasha lagaga hadli oono kalfadhiga 38-aad ee baarlamanka Dawlada puntland.

Dhinaca kale  Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray dhismaha  xarunta guriga golbolka Nugaal oo dib u dhis lagu sameeyey kadibna kormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta gobolka Nugaal.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali ayaa isla maanta gelinkii danbe safar shaqo ugu baxay Dalka Emaaraadka carabta, safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira kobcinta kaabayaasha dhaqalaha iyo ganacsig Puntland.

–DHAMMAAD–


XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_2447 img_2450 img_2456 img_2459 img_2460 img_2462 img_2463 img_2466 img_2468-copy img_2468 img_2474 img_2476 img_2482 img_2483 img_2490 img_2491 img_2494 img_2497 img_2509 img_2510 img_2511 img_2514 img_2516 img_2518 img_2521 img_2523 img_2529 img_2533 img_2534 img_2540 img_2542 img_2545 img_2547 img_2550 img_2552 img_2554 img_2556 img_2558 img_2565 img_2566 img_2568 img_2579 img_2582 img_2583 img_2584 img_2586 img_2588 img_2592 img_2593 img_2597 img_2604 img_2605 img_2608 img_2610 img_2614 img_2616 img_2618 img_2620 img_2624 img_2630 img_2634 img_2640 img_2641 img_2646 img_2649 img_2654 img_2675 img_2695 img_2707 img_2718 img_2722 img_2724 img_2728 img_2734 img_2737 img_2747 img_2751 img_2755 img_2759 img_2760 img_2761 img_2775 img_2777 img_2781 img_2784 img_2788 img_2789 img_2795 img_2813 img_2814 img_2817 img_2818 img_2820 img_2823 img_2824 img_2825 img_2830 img_2833 img_2840 img_2849 img_2860 img_2880 img_2883 img_2886 img_2889 img_2901 img_2912 img_2919 img_2921 img_2922 img_2929 img_2931 img_2940 img_2941 img_2944
img_2945img_2946img_2947img_2948img_2949img_2950

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*