23rd December 2024 admin Category :
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Furay Kalfadhigii 38-aad Ee Baarlamaanka Dawladda Puntland, Kadibna u Safray Dalka Emaaraadka Carabta.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 29 October 2016 waxaa uu furay kal fadhigii 38-aad ee baarlamaanka Dawladda Puntland.
Kalfadhigan 38-aad ee barlamanka dawladda Puntland ee uu furay madaxweynaha dawladda Puntland ayaa waxaa ku weheliyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay, guddoomiyaha barlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi iyo guddoomiye ku xigeenadiisa.
Gudoomiyaha baarlamaanka Dawladda Puntland mudane Axmed Cali Xaashi ayaa ugu horayn ka hadlay Kalfadhiga 38-aad ee barlamaanka Dawladda Puntland isagoo shegay in kal fadhigan uu ka mid yahay shaqooyinka dastuuriga ah ee Dawladda Puntland, waxuuna uu uga mahad celiyey masuuliyiinta sare ee Dawladda Puntland, waxaa sidoo kale kalfadhiga hadalo muhiim ah ka jeediyay qaar kamid ah masuuliyiinta golayaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal, xubnaha beesha caalamka, ururada haweenka iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka jeediyey kalfadhiga 38-aad ee baarlamanka Dawladda Puntland Khudbad dheer oo ka xog waramaysa waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay shaqay naysay gaar ahaan lixdii bilood ee ugu danbaysey.
Qaar kamida Xildhibaanada golaha shacabka ee Dawlada Puntland ayaa su’aalo la xiriira wax qabadka Dawladda waydiiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, isagoona Madaxweynuhu uga jawaabay xildhibaanada su’aalihii ay waydiiyeen.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u furay kalfadhiga 38-aad ee baarlamaanka Dawladda Puntland, isagoo ku amaanay xildhibaanada kala danbaynta iyo hirgelinta ajandayaasha lagaga hadli oono kalfadhiga 38-aad ee baarlamanka Dawlada puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta guriga golbolka Nugaal oo dib u dhis lagu sameeyey kadibna kormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta gobolka Nugaal.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa isla maanta gelinkii danbe safar shaqo ugu baxay Dalka Emaaraadka carabta, safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira kobcinta kaabayaasha dhaqalaha iyo ganacsig Puntland.
–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.