18th April 2024  admin  Category :

Madaxweynha dawladda Puntland . Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambeeyey safaro shaqo ugu maqnaa waddamada Itoobiya, Turkiga iyo Jabuuti ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiirro, Xidhibaano, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, saraakiisha kala duwan ee ciidanka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo  Madaxdii kale ee Garoonka kusoo dhoweysey ayaa waxa ay si toos ah ugu  gudbeen isla markaana soo kormeereen suuqqa xero dayax, xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo iyo cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo uu dhowaan ka dhacay qarax is miidaamin ah oo kooxda sharwadayaasha al-shabaab ay la beegsadeen dad shacab ah oo ku ganacsanayey suuqaasi

 

IMG_4774 IMG_4780 IMG_4782 IMG_4788 IMG_4789 IMG_4794 IMG_4795

IMG_4807 IMG_4808 IMG_4812 IMG_4818 IMG_4819 IMG_4821 IMG_4823 IMG_4825 IMG_4827 IMG_4828 IMG_4831 IMG_4833 IMG_4835 IMG_4836 IMG_4839 IMG_4842 IMG_4843 IMG_4844 IMG_4845 IMG_4846 IMG_4847 IMG_4848 IMG_4849 IMG_4851 IMG_4859 IMG_4863 IMG_4865 IMG_4867 IMG_4869 IMG_4871 IMG_4872 IMG_4873 IMG_4876 IMG_4877 IMG_4878 IMG_4880 IMG_4882 IMG_4884 IMG_4886 IMG_4888 IMG_4892 IMG_4893 IMG_4895 IMG_4896 IMG_4899 IMG_4907 IMG_4910 IMG_4922 IMG_4925 IMG_4929 IMG_4931 IMG_4937 IMG_4945 IMG_4946 IMG_4961 IMG_4971

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*