27th July 2024  admin  Category :

Jawaabihii  Madaxweyne Deni waa  in la soo dhoweeyaa, looguna hambalyeeyaa

Madaxweynaha Puntland  ee dhowaan la doortay Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa waraysigii ugu horeeyey ee uu bixiyey wuxuu noqday mid ay  bulshada  reer Puntland   aad u soo dhoweeyeen.

Waraysiga uu madaxweyne Deni bixiyey, ayaa dadka qaarkiis hadda waxay leeyihiin wuxuu isticmaalay Kelmadda ‘Sanaag Bari’, oo ay isticmaalan Beesha Isaaq iyo Marabbidoodu.

Hadaba Eraygan  khaldan ee ” Sanaag Bari”,  madaxweyne Deni   ma u isticmaalay sida ay siyaasiyiinta Beesha Isaaq iyo marabidoodu u istcmaalan.

Madaweyne Deni waraysigiisa  wax uu ku bilaabay “Annaga iyo maamulka Somaliland muran dhuleed nagama dhaxeeyo, laakiin waxay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland, waad ogtihiin 1991 dalku markuu dhacay, dalka waxaa ka jiray 18 gobol oo la yaqaanay, wixii intaa ka dambeeyey dadku waxay isugu guureen nidaamka federaalka ah, intii rabtay baa wada heshiisay, Somaliland waxaa lagu aas-aasay markii ugu dambeysay Boorame marka Burco laga tago, qabaa’ilkii ku bahoobay waa la yaqaanaa, Garoowe markii la’aas aasayna qabaa’ilka ku bahoobayna waa la yaqaanaa, qabaa’ilka u bahoobay Puntland dhisiddeeda waa gobollada Bari, Nugaal, Waqooyoga Gaalkacyo, Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle”

 

Madaxweyne Deni, waa hogaamiyihii ugu  horeeyey ee Soomaaliyeed oo si cad u  sheegay in Burco iyo Borame ay ku  kulmeen beelaha aan Daaroodka ahayn ee dega Waqooyiga Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, waa hogaamiyihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ama Siyaasigii ugu  horeeyey ee beesha Daarood oo aan ka soo jeedin beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli oo si aan gabasho lahayn oo  geesinimo ka muuqatay ku yiri ” Sool iyo Sanaag laguma muransane ee waa lagu soo duulay”

Madaxweyne Deni, haddii uu  waraysiga horaantiisa qiray in 18 gobol ay ka kooban tahay Soomaaliya, maxaa keenay in uu yiraahdo ” Sanaag Bari” markuu ka hadlayey beelihii wada dhistay Puntland .

Madaxweyne Deni,  kelmadda ” Sanaag Bari” waxa ku kalifay inuu isticmaalo waa isaga oo aan doonayn in waraysigiisa ugu  horeeya Qabiil afka  dhufto markii uu sharaxayey  beelihii Puntland wada dhistay. Siyaasad ahaan Madaxweyne Deni, wuxuu u arkay intuu oran lahaa Puntland Warsangeli ayaa wax ka dhisay inuu yiraahdo Sanaag Bari. Sidoo kale siyaasad ahaan iyo sida wax u socdaan, markaad argato Bulshada reer Sanaag waxay heleen saaxiib aaminsan inuu iyaga ka mid yahay. Haddii ay iyagu noqdeen Ingiriis, anagu Talyaani ma noqon. 

Ugu danbayntii Waraysiga uu madaxweyne Deni bixiyey ee uu kaga hadlay arimaha Federaalka Iyo Soomaaliya diidka, waa bilow fiican waana soo dhweenaynaa, waana ugu hambalyeeynaynaa Bulshada Sool iyo Sanaag saaxiibka siyaasadeed ee heleen.

https://allsanaag.com/sanaag-bari-waa-xagee/

https://allsanaag.com/dhulka-laysku-haysto/

https://allsanaag.com/soomaalida-la-cunaqabateeyey/

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*