26th April 2024  admin  Category :

Madaxweeynaha Puntland ayaa si xun u maamulay doorashada aqalka sarre, waxaana soo baxaya cabashooyin badan oo ku aadan arrintaas. Cabashooyinka ayaa waxaa ka mid ah in dad tartanka ka qeeyb qaadan lahaa uu madaxweeynaha ka reebay sababo aan la garaneen dartood, haweenka qeeybtii ay ku lahaan lahaayeen aqalka sarre oo uusan si fiican u maamullin, beelaha qaar oo aan waxba laga siin sida beelah la heeb sooco, dadka wax dooranaya oo uu ku soo koobay oo kalliya baarlamaan puntland oo la ogyahay heerkooda musuqmaasuq.

Midda ugu horeeysa ayaa ah in Madaxweeynaha Puntland Gaas uu ka taggey dadka qaarkiis oo doonayey ineey ka mid noqdaan tartanka doorashada ee aqalka sarre; dadkaas laga reebay ma jirto wax sabab ah oo loo dallishaday ka reebitaankooda, balse waxeey aheed in tartanka loo furro cid kasta oo daneeneeysa xittaa haddii halkii boos ay isku soo sharaxayaan in ka badan konton qof. Hadaba, Madaxweeyne Gaas meeshii wuxuu keenay dad isagga uu watto iyo kuwo lagu qurxiyey oo aan la filleen ineey soo baxayaan, laakiin dadka loo tusayo in doorasho ay dhacayeeyso.

Tan labaad, Madaxweeynaha Puntland wuxuu ku tagri fallay qoondadii haweenka oo aheed in Puntland ay ka hellaan 3 xubnood, laakiin isagoo arkaya ayuu doorbiday in dumarka boosaskoodii uu ku naas nuujiyo rag lagu keenay ruux jecleeysi. Waxaa arrintaas foosha xun ka hor yimid Guddiga Doorshada oo Gaas u sheegay in haweenka qeeybtoodii uu miiska soo saaro.

Waxaa intaas dheer in aan waxba lagga siin qeeybsiga aqalka sarre beelaha la heeb sooco, taas oo iyana ah mid caddaalad darro ah, balse waxaa habooneed in haddii ay cid qadeeyso ay qadaan kuwa iyagu maanta guntiga wax ku heeysta ee siyaadada raadinaya.

Tan afaraad ee uu madaxweeynaha Puntland ku fashilmay ayaa ah in dadka wax dooranaya uu ku soo koobay oo kalliya baarlamaanka Puntland oo aan ognahay tayo xummidooda iyo musuqmaasuqooda, balse taa bedelkeeda waxaa ka habooneed in madaxweeynah uu ku soo darro doorashada bulshada qeeybaheeda kalla duggan sida ardayda jaamacadaha, ganacsatada, cullimada, haweenka iyo cid kasta oo loo arkayo ineey qeeyb ka noqon karto doorashada, laakiin haddeer cid kasta weey aragtaa in doorashada aysan noqoneen mid xallaal ah maadaama baarlamaanka fashilka ah gacanta loo gelliyey ineey iyagu noqdaan kuwa dadka sharaxan kalla saaraya.

Gabagabdii Madaxweeynaha Puntland Gaas wuxuu ku fashilmay inuu doorashada aqalka sarre ka dhigo mid huffan oo xallaal ah, dadkana waxeey noqdeen kuwo mar horre ka niyed jabbay qaabka uu u maamulay oo ah mid dhamaanteed aan lagu oggeen dhadhanka cadaaldda.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*