16th May 2024  admin  Category :

Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweeynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa dalka Sacuudiga u tagey casuumaad uu ka helay dawladda Sacuudiga. Hase ahaatee, warkaas ay madaxtooyada sheegtay ee ah in madaxweeynaha ay casuuntay dawladda Sacuudiga ayaa ah war aan waxba ka jirin.

Madaxweeynaha ayaa dalka Sucuudiga u jooga Cumro sida ay sheegtay wakaaladda wararka ay leedahay dawladda Sacuudiga ee loo yaqaan Saudi Press Agency. Wakaaladda waxeey sheegtay in madaxweene Xasan uu u yimid dalkaas cumro, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha guddoomiye ku xiggeenka magaaladda Maka.

Lacagtaas uu madaxweeynaha ku qarash gareenayo Cumrada shaqsiga ah waa mid aan jeebkiisa ka iman, balse waa lacagta shacabka. Dabcan lacagtaas waxa u baahan shacab badan oo Soomaaliyeed oo beerka dhulka ku hayo. Warka Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga fadlan hoos ka aqriso.

President of Somalia Arrives in Jeddah to Perform Umrah (spa.gov.sa)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*