9th October 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Kaamil soo dhaweynta walaaltinimo, ayaa xusay sida ay Jabuuti mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ee aan waxba u reebban nolosha shacabka Soomaaliyeed, booqashadanna ay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee ka dhaxeeya labada waddan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*