27th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusow ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu ka tacsiyadeeyey xukuumadda iyo shacabka dalka Britain geerida ku timi boqoraddii dalkaas Queen Elizabeth II.

“Aniga iyo qarankaykuba waxaanu tacsi u diraynaa xukuumadda, shacabka iyo qoyska boqortooyada UK, annaga oo ka tacsiyadaynayna, geerida ku timi Queen Elizabeth II. Boqoraddu waxay qarankeeda iyo shacabkeedaba ku meteshay, gudaha dalkeeda iyo masraxyada caalamkaba sharaf iyo karaamo intii ay xukunka [boqortooyada] haysay” ayaa lagu yidhi qoraal ku qornaa afka Ingiriisida oo la soo dhigay barta rasmiga ah ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku leeyahay Twitterka.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu tacsi ugu diray qoyska boqortooyada ee dalka Britain.

“Waxay ahayd arrin murugo weyn leh inaan maqalnay geerida Queen Elizabeth II. Aniga oo ku hadlaya magaca guud ahaan qaranka Djibouti, waxaan tacsi tiiraanyo leh aan u diraynaa qoyska boqortooyada, xilligan lagu jiro baroordiiqda, annaga oo sidoo kale tacsi u dirayna shacabka dalka Ingiriiska” ayaa lagu yidhi qoraal lagu faafiyey barta rasmiga ah ee twitterka ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*