7th September 2024  admin  Category :

Qodobo Cadaadis Lagu Saarayo Madaxda Dowladda Iyo M/Goboleedyada

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, cadaadis ku saareysa fulinta Qodobo muhiim ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada loogu baaqay inay sii wadaan iskaashiga ka dhexeeya, isla markaana si hufan u fuliyaan heshiisyadii ay horey u wada gaareen.AKHRISO

Sidoo kale Madaxda ayaa la faray inay sii wadaan Arrimaha la xiriira Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkan 2020/2021, una diyaar garooban qabashada Doorasho loo dhan yahay oo ku dhacda si nabad ah.

Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay ilaaliyaan qoondada Haweenka 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Maanta Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan iyo xubno ka ka socday Beesha Caalamka ay gaareen Magaalada Dhuusanareeb, iyagoona kulan la qaatay Madaxweyne Qoorqoor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*