31st October 2024  admin  Category :

Madasha Xisbiyada Qaran oo dadka qaarkiis u yaqaaniin madasha Xisbiyada Hawiye oo 5 arrin ka dalbatay DF kadib hadalkii Kheyre

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku soo dhaweysay hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa inay ka go’antahay qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Sidoo kale Madsha ayaa qoraalkan ku sheegtay in mar kasta ay dowladda federaalka ugu baaqeyso qabashada doorasho loo dhanyahay oo waqtigeeda ku dhacda.

“Haddaba si loo fuliyo waajibaadka dastuuriga ah, waxay Madashu dhiirigalineysaa in dawladdu ka dhabeyso hadalkaas, ayna aqbasho qabashada shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed, si loo dhaqangeliyo xeerarka iyo sharciyada Barlamaanku ansixiyay loogana heshiiyo jadwalka iyo nooca doorasho ee dalku aadayo” ayaa lagu yiri.

Dowladda ayaa la rumeysan yahay inaysan aqbali doonin shirka ay ku baaqday Madasha, sida ay xubno ku dhow Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online) –

Ad by Valueimpression

Qoraalka Madasha ayaa intaas ku sii daray, “Si looga fogaado tabashooyin siyaasadeed oo hor leh oo curyaamin kara geeddi socodka nabadeynta dalka, waxay MXQ soo bandhigeysaa mabaadi’ida lamataabtaanka ah ee ay tahay in lagu saleeyo doorashada 2020/2021-ka.”

Illaa shan qodob ayaa ayey Madasha Xisbiyada Qaran ku tilmaantay inay saldhig u noqon karaan nabad iyo dowladnimo waarta oo ka hirgasha dalka waxay qodobadaasi kala yihiin:

1 – Wakhtiga doorashada. Doorashadu waa iney kudhacdo wakhtigii ay muddeeysneyd, kaasoo ku suntan dhammaad ka muddo xileedka golayaasha iyo hoggaanka dastuuriga ah ee dalka. Waa in laga fogaado marmarsiiyo kasta oo keeni karta dib u dhac ama muddo kororsi.

2 – Doorasho heshiis lagu yahay Maadaama uu maamulka talada dalka haya ka gaabiyey howlihii saldhigga u ahaa doorasho qof iyo cod ah oo si xor ah u qabsoonta, islamarkaana uu muddo xileedkoodu gabaabsi yahay, waxaa lagama maarmaan ah in saamileyda siyaasadeed ay heshiis loo dhanyahay ka gaaraan hanaanka doorashada sidii horeyba loo sameynjirey.

3 – Ka qeybgalka xisbiyada Xisbiyada siyaasadda waxay ka mid yihiin tiirarka ay ku taagantahay doorasho kasta oo dimoqraadi ah waxaana waajib ah iney ka qaybqaataan doorashada qaran 2020/21. Xisbiyada Qaran ee la diiwaangeliyay waxay maskax iyo maal galiyeen sidii looga guuri lahaa hannaanka 4.5 oo hogaanka dalku ku imaan lahaa rabitaanka dadweynaha, sidaa awgeed MXQ waxey ugu baaqeysaa dhammaan dawlad goboleedyadu iney ogolaadaan in Xisbiyadu ka hawlgalaan deegaankooda, xafiisyana ka furtaan.

4 – Doorasho dalka oo dhan ka dhacda: Inkastoo dalkeenna ay ka jiraan duruufo adag oo amni iyo kuwa siyaasadeed, haddana waa lagama maarmaan in doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda dalka oo dhan si isku mid ah oo caddaalad ku saleysan.

5 – Gobolka Benaadir. Gobolka Benaadir wuxuu ka midyahay 18-ka gobol ee JFS, wuxuuna gobollada kale dheeryahay in dadka deggani ay bixiyaan 100% dakhliga ay ku shaqeyso Dowladda Federaalka. Sidaas darteed, gobolka Benaadir wuxuu xaq u leeyahay inuu matalaad siyaasadeed ku dhexlahaado golayaasha sharci dajinta dalka. Sidoo kale, wuxuu xaq u leeyahay in, sida gobollada kale, uu yeesho maamul ay dadkiisu si toos ah u soo doortaan, si ay ula xisaabtamikaraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*