26th July 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta Hawiye qaarkood goormay Ilmada Yaxaaska ee lagu bartay joojinayaan

Shan sano ka hor, siyaasiyiinta , nabadoonada, Qurba joogta, iyo Siyaasiyiinta Hawiye intooda badan   waxay lahaayeen oo warbaahinta ka sheegi jireen in gobolada Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose   lagu soo duulay oo beel  ka timid Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay ku habsatay.

Marka ay  sidaa lahaayeen waxay xaquuqdooda Soomaalinimo iyo mid degaanba inkirayaan Kumaakun Soomaali ah oo ka soo jeeda beesha Ogaadeen  oo boqolaal sano deganaa gobolada Jubbada hoose  iyo Jubadda  dhexe.

Maanta nimankii cunaqabataynta ku hayey kumaakun Soomaali ah , oo u   diidanaa in maamul loo sameeyo Jubbaland,  lagana dul qaado alshabaabka dhibaatada ku hayey  ayaa  waxay doonayaan in Qarnkii Soomaaliyeed ay ku burburiyaan Qalbi dhagax oo ka soo jeeda beeshii ay shalay lahaayeen waa Amxaaro, oo xitaa muranka geliyey  cidda qaadan karta Jinsiyadda ” Soomaalinimada, iyaga oo ujeedadoodu ahayd in Beeshani ahayn Soomaali”. Waa kuwii shalay  lahaa ONLF ha iska dhigaan  magaca ” Ogaadeen”

Mahad Salaad, Fiqi iyo siyaasiyiinta kale ee beesha  Hawiye ee dawlad walba ku mucaaradka ah  waa kuwii  qaranka Soomaaliyeed halka uu maanta yaalo dhigay. Maanta in nin ka soo jeeda Beesha Daarood ay ilmada yaxaaska u daadiyaan, waa mid la  mid ah riwaayadahoodii, USC, Maxaakiimta, Muqaawimada, isbedel doonka,alshabaab, Ahlu suna iyo Damul jadiid oo ay intaba ku metalayeen inay yihiin Wadaniyiin. Waa kooxdii 500 ee  Xildhibaan la yimid si ay u inqilaabaan dawladdii Cabdulaahi Yuusuf Allah ha u naxariistee. Waa kooxdii intii Xasan Culusoow iyo Sheekh Shariif ay  xilka hayeen ahaa madaxdii ugu sarsaraysay dawladda Soomaaliy

 

https://www.facebook.com/photo.php?fbid=10156330428887319&set=a.10153500406997319.1073741832.716187318&type=3

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*