26th July 2024  admin  Category :

Maqaam noocee ah ayeey yeelan kartaa degmo ka mid ah degmooyinka Soomaaliya.

Dastuurkii Soomaaliya waxa loo jebiyey, oo gobol iyo nus looga dhigay maamul goboleed,   bal in hal mar Fiqi iyo Mahad Salaad beeshooda ay yeeshaan maamul goboled.

Markii la ansixiyey  sharci darada ah in gobol iyo nus uu   maamul goboleed noqon karo, Mahad Salaad beeshiisu waxay ku heshiin waayeen hogaanka sare ee maamul goboleedkaas . Shirkii Jabuuti ee dhowaan la qabtay  waxa lagu heshiisiiyey in beesha Sacad ay madaxweyne ka noqoto maamul goboleedka gobolka iyo Nuska ah ee Galmudug, halka Beesha Cayr ay maamul goboleedka ay ka qabanayso xilka Raisawasaaraha.

Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado kula kulmay Odayaasha iyo waxgaradka beesha Saleemaan ee Habargidir, isagoona kala hadlay Tabashooyin ay qabeen.

Madaxweyne Farmaajo oo dhageystay Warbixinta Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa u sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qanciso cid kasta oo tabasho qabta, wuxuuna ku dhawaaqay in Magaalada Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Odayaasha iyo Waxgaradka la kulmay Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Soo jeedintiisa, waxayna kaga mahad celiyeen sida Madaxweynaha uu diyaar ugu yahay qancinta dadka tabashooyinka qaba.

 

Ugu danbayntii Hadddi beesha Sacad ee Habargidir ay qaateen madaxweynhii, Beesha Cayrna Raisawasaarihii, Beesha Saleemaana ay qaateen xaruntii Baarlamaanka ee Cadaado. Beesha Mareexaan ee degta inta badan gobolka Galguduud iyagu  ma marti ayeey ku noqon doonaan maamulkaas

Allsanaag.com

https://allsanaag.com/madaxweyne-ku-xigeenka-galmudug-waa-maxay-shaqadiisu/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*