
26th November 2026 admin Category :
Siyaasiyiintii ugu darajada saraysa beesha Dhulbahante oo la shiray hogaamiye aan jirin oo ay samaysteen
Siyaasiyiinta Dhulbahante ee ugu darajada saraysay dawladda Federaalka, kuwa ugu darajo sareeya maamulka Khaatumo iyo Xildhibaanaddii ugu caansanaa Somaliland oo kala ah Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Aqalka Sare Ee Dowlada Fadarelka Somalia Senator Cabdulaahi Timacade, Wasiirka Wasaarada Tamarta DFS Cabdulaahi Bidhaan, Qorshaynta Maamulka SSC Khaatumo Axmed Diriye iyo Xildhibaan hore ee Somaliland Dhankool ayaa magaaladooda Lascaanood kula kulmay Cabdirashiid Jibriil.


Cabdirashiid Jibriil , oo kulankan keli kula ahaa siyaasiyiinta Dhulbahante ayaa sida dhowaan sheegeen guud ahaan Isimada Warsangeli ayna kula socon maamulka uu sheegto inuu la dhisanayo Khaatumo, hase ahaatee waxa si khaldan u isticmaalaya siyaasiyiinta uu maanta la kulmay oo qaarkood ah gacanta midig ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow oo ay ka go’antahay inuu Soomaaliya u kala qaybiyo Waqooyi iyo Koonfur
Ujeedaddii uu maanta madaxweyne Xasan ugu soo diray siyaasiyiinta Dhulbahante iyo asxaabtooda oo is qarinayey kulankii maanta, ayaa waxay tahay sidii magac cusub oo magac u yaal ah oo bulshada gobolka Sanaag lagu khalldayo ee ah in la leeyahay waa laga guuray SSC Khaatumo oo waxa loo guuray ” maamulka waqooyi Bari ee Soomaaliy”.
Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, Muran ayaa ka Iman doona oo Gobolka Bari wuxuu raacsan yahay koonfurta Soomaaliya. Sidaas awgeed waa laga reebi doonaa Bari oowuxuu noqon doonaa maamulka Waqooyiga Soomaaliya,
Ugu danbayntii intii Saldanada Warsangeli jirtay oo uu waqrigii gumaysituhu ku jiro, Marna layskuma dayin in la inkiro Suldaankii markaas joogay oo beelaha Soomaaliyeed ee kale ay isku dayaan inay Isimo been abuur ah ay samaystaan sida ay maanta u dhaqmayaan Timacde, Firdhiye iyo kooxdooda.







