26th April 2024  admin  Category :

Maamulka Hirshabelle oo eedeyn u soo jeediyay Wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta Dowlada Federalka

Guddi dhawaan uu u magacaabay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle arrimaha fatahaadaha ayaa kulan ay yeesheen waxa ay ka soo saareen Warsaxaafadeed ay ugaga hadalayaan xaaladaha fatahaadaha ee Hirshabelle.

War Saxaafadeedka ayuu guddigan waxa ay ku eedeeyeen Wasiirada Federaalka sida Maaliyadda iyo Qorsheynta inay caqabad ku noqdeen sii deynta lacago loogu tala galay wax ka qabashada fatahaadaha.

“Waxaa wax laga xumaado ah in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirkeeda ay caqabad ku noqdeen fududeynta iyo sii deynta qarashaad wax looga qaban lahaa arrimaha hadda taagan dhibaatadana heerkaan ma gaarteen hadii Wasaarada Maaliyada sii deyn laheyd qarashaadka looga hortagayo fatahaada xilligii Maamulka dalbaday”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.

War Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay Xildhibaanada iyo Wasiirada Heer Federal ee ka soo jeeda Hirshabelle inay u istaagaan mas’uuliyada ka saaran caawinta iyo u adeegida dadka ay metelaan.

Madaxweynihii hore ee dowlada goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan bartiisa Twitterka waxa uu ku sheegay in lacag gaareysa 35 malyan oo dollar oo beesha caalamku ay ugu talagaleen fatahaadaha Hirshabelle ay Wasaaradaha Maaliyada iyo Qorsheynta dowlada federalka ay xayireen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*