26th July 2024  admin  Category :

Gobolka Hayland iyo Dhahar saamigoodii aqalka sare  oo  Qardho iyo  Cumar Cabdirashiid la siiyey

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas,  rag culus ayuu ka soo dhex xulay beeshiisa Majeerteen  si ay uga mid noqdaan xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka dawladda Soomaaliya. Ragaas oo Soomaaliya ka soo qabtay xilalka madaxweyne iyo Raisawasaare.

Maxaa keenay in uu beesha  reer Maakhir dad uu ku raali gelinayo Damuljadiid u soo magcaabo aqalka sare. ? Isaga oo cidna kala tashan aan ka ahayn  dhowr Isim oo sida Mowjadda badda  hadba dhinac u guura iyo qaar ku milmay beeshiisa

Sidoo kale madaxweynaha Puntland  saamiga beelaha Puntland  markuu qaybinayey beesha  Maakhir ayuu kala mid dhigay beelaha dega  Garoowe iyo Qardho. Halka beeshii la mid ahayd beelahaas ee reer Dhahareed  ay  maanta aqalka sare ee Soomaaliya ka maqan yihiin. Hadaba Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xashi  iyo Xildhibaanada  reer Makhir ee ka mid ah Baarlamaanka Puntland ma u codayn doonaan caddalad daradan aan la qaadan karin mise sidii dhaqanka u ahayd ayeey ka aamusi doonaan

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*