28th March 2024  admin  Category :

Labaatan Sano iyo Ismada Maakhir

Maanta guud ahaan gobolada   Soomaaliya  waxa looga diyaar garoobayaa olole doorasho, oo ay  xiisadda ugu weyni  iyo hadal haynta  ugu badani  ay tahay cidda gobol walba uga mid noqonaysa  Xildhibaanada Aqalka sare.

Gobolka Sanaag waa ka duwan yahay gobolada kale ee Soomaaliya , waxay u muuqataa in xildhibaanaddi ka soo bixi lahaa degmooyinka Ceerigaabo, Dhahar, Lasqoray iyo  Badhan,  oo ka mid ahaa degmooyinkii jiray burburkii Soomaaliya  ka hor in la bililiqaystay oo la doonayo in la siiyo siyaasi ka soo jeeda beesha Isaaq .

Bulshada ku nool  Gobolka Sanaag   ilaa hadda lama hayo ama ma jiraan    maamul la soo xiriiray,  oo  u sheegay  inta Xildhibaan oo ay saami uga heleen aqalka sare,  kaas oo   lagu qaybsanyo 18kii gobol ee Soomaaliya   .

Cabsida ugu weyn oo hadda muuqataa waa  afarta  degmo ee gobolka Sanaag  iyo galbeedka gobolka Bari oo la yiraahdo hal Xildhibaan ayeey ka heleen aqalka Sare. taasina maaha mid ku timid   wada tashi beeleed  ee waa Xildhibaan ama Xildhibanad ku iman doonta Saaxiib, Qaraabo  ama Xidid

Hadba arintan aan la qaadan karin ee ay ka heleen  halka Xildhibaan ee aqalka sare  reer Maakhir   haddii ay dhacdo , oo sumcadda, sharaftii  iyo karaamada reer Maakhir lahaaayeen  lagu tunto , mustqbalkana  haddii ay dhacdo in  Bulshada caalamku ku khasbaan Soomaalida  in loo  wada hadlo Waqooyi iyo Koonfur wiiqaysa gorgortankaagii siyaadeed ee reer Maakhir golaha la iman lahaayeen .    yaa qaadaya ma’suulyadeeda, oo Bulshada reer Maakhir ee  hadda nool iyo jiilka soo socdaba ay ogaan doonaan cidda  dhaxal wareejiyey

Arintan ma’suuliyadeeda waxay gaar  u tahay oo ugu talo galay inay bulshada reer Maakhir  marin habaabiyaan,  waa    Isimada beesha Warsangeli oo la caleemo saaray labaatankii Sano ee ina soo dhaaftay laga soo bilaabo 1997. Isimadani  hal maalin kama shaqayn midnimada iyo ilaalinta sharafta umadda ay sheegtaan inay Isimo u yihiin.

Sanad ka hor bulshada reer Maakhir waxaan ugu baaqnay in iyaga oo midaysan oo gacmaha is haysta  ay soo wada dhacsadaan saamiga ay Soomaali dhexdeeda ku leeyihiin sida Xildhibaanada Aqalka sare. Waxaase bedelay in  iyada oo aan gacmaha waxba  lagu hayn in beelihii   wada dhashay shaki lagu kal dhex abuuray iyo reer hebel ayaa aqalka sare u socda. Tusaale degmada Buraaa  dhowr bilood ma lahayn  duq magaalo,  waxaana u sabab ah khilaafka bulshada wada dhashay ee walaalaha ah  la dhex dhigay iyo Quud aan la hayn oo qoryo loo soo gurtay

Maxaa la gudboon Bulshada  reer Maakhir?

Labo arimood ayaa la gudboon bulshada reer Maakhir. Mid waa arinta  maanta taagan  u baahan in   si midaysan looga hortago   waxna  looga  qabto, taas oo ah in bulshada Reer Maakhir ayna qaadan wax ka yar  labo Xildhibaan  Aqalka sare  .  Arinta  labaad oo ah in dood laga bilaabo ayaa waxay tahay caleemo saarkii Suldaan Sciid iyo Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ay bulshada reer Maakhir  u doorteen inay hogaamiyaan ma noqday  mid xoojiyey midnimaddi Maakhir mise maalinba maalinta ka danbaysa reer Maakhir iyo dhashii Garaad Dhdhin  waa sii degayaan oo halkii ay joogeen ayeey hoos uga sii socdaan iyaga loo adeegnayo Isimaddoda?

ALLSANAAG.COM

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*