26th April 2024  admin  Category :

Doorashadii ka dhacday shalay maamulka Hargeeysa, ayaa qaar ka mid dadka degan Koonfurta Soomaaliya waxa ay ka dhigeeyn wax adduunka kale oo dhan aan ka dhicin. Waxeey ka dhigeeyn doorashada ka dhacday Hargeeysa iyo Burco sidii in maamulka Hargeeysa ay soo saareeyn qalab casri ah oo aan adduunka kale oo dhan lagu arag.

Hadaba, waxa dhacay waa doorasho, doorashana adduunka oo dhan ayeey ka soo dhaceeysay oo ma’ahan wax nagu cusub ama lala yaabo. Wadamada isticmaala nidaamka federaalka waxaa ka dhaca doorasho isugu jirta mida madaxweeynaha ama ra’iisal wasaaraha, mida xubnaha baarlamaanada, mida guddoomiye goboleedyada, mida duqa magaalooyinka iyo degmooyinka.

Shalay doorashadii ka dhacday Hargeeysa iyo Burco waa mid heer gobol ah oo maanta hadii dadka degan Hirshabeele, Koonfur Galbeed ama Jubaland ay ku heshiiyaan in shacabka ay wax soo doortaan, waa mid fudud oo ay maamuladaas sameeysan karaan. Ma’ahan doorashada ka dhacday maamulka Hargeeysa in dadka looga dhigo sidii ineey soo saareeyn daawadii cirib tiri laheeyd cudurka Covid-19.

Maanta dadka degan Koonfurta waxeey marayaan in hadii ay arkaan muuqaal ku saabsan laxoox ama canjeelo lagu dubayo Hargeeysa in ay yiraahdaan canjeelada lagu dubayo Hargeeysa meel ay taal adduunka kale ma jirto, waa hadde canjeeladii aynu wada naqiinay ee guri kasta oo Soomaaliyeed subax kasta lagu dubayey.

Hadaba, dhibka ay leedahay marka dadka maskaxda laga qabsado waa midan oo kale, waana wax aad u xun. Maanta dadka ku nool Muqdisho waa la diiwaan gellin karaa, waana loo sameeyn karaa kaaraka codbixinta, iyadoo dadkana ay codkooda dhiibanayaan maalinta lagu balamay in doorashada ay dhacdo, marka dadka degan Koonfurta yeeysan u arag wax weeyn doorashada ka dhacday Burco iyo Hargeeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*