
16th November 2025 admin Category :
Miyaa laga maarmaay maamulkii Waqooyi Bari ee dhowaan la sheegay in loo sameeyey Sanaag iyo Sool.
Dawladda federaalka Soomaaliya, ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Xasan Culusoow, ayaa waqti badan waxay geliyeen maamul ay doonayeen inay ku wiiqaan maamulka Puntland , si ay taas ugu dhabeeyaana waxay bilaabeen inay yiraahdaan Sanaag iyo Sool ayaa maamu u samaynaynaa.
Magaalada laascaanood ayaa waxa laysugu keenay Hantiddii qaranka ee lacageed, siyaasiyiintii federaalka ee mucaaradka ahaa ee ka soo jeeday Puntland iyo dhamaan intii ka caanka ahayd baraha bulshada ee ka soo kala jeeday Sanaag iyo Sool. Inkastoo markii danbe kooxddii Baraha bulshada ee ka soo jeeday gobolka Sanaag loo kala qaybiyey inay kala noqdaan isimo iyo Siyaasiyiin.
Muddo kooban ayaa kooxihii Baraha Bulshada ee isimada noqday waxay soo xuleen Xildhibaano, waxaana la sheegay in Calankii, Astaantii, magacii iyo qaab dhismeedkii ay Khaatumo horay u lahayd in la bedelay oo mid cusub loo sameeyey Maamul halkaas looga dhawaaqay oo la yiraahdo Waqooyi bari.
Xildhibaanddii isimada Baraha Bulshada ay soo xuleen waxay doorteen madaxweyne ay ahayd inuu gole wasiiro soo dhiso, hase ahaatee maantaa ayuu kuwii Khaatumo ee sanad ka hor jiray sheegay inay ansixiyeen miisaaniyaddii 2026.
Sharci ahaan iyo dastuur ahaanba maa mid sax ah ansixintan , sababtoo ah golaha wasiirada ee ansixiyey miisaaniyadan dhamaantood waxay ka soo jeedaan gobolka Sooloo waa kuwii khaatumo.







