11th October 2024  admin  Category :

Ciidanka Diyaano, ayaa 2:00 am habeenimo, waxa ay soo garaaceen albaabka gurigayga markii aan ka furnayna iyaga oo aan waxba na weydiin waxa ay na saareen gaadhi shabaqle ah oo ay iyagu wateen, waxa gaadhigaa ka horeeya gaadhi yar oo madow oo aan la arki karin cida ku jirta waxaana saarnaa sida nooga muuqatay nin kala garnaya guryaha ay u socdeen ciidankani .

Ka dib markii laga qaaday gurigayagii 3 nin oo aan anigu ku jiro waxa uu u dhaqaaqay gaadhigii dhinaca hoteel Bilaal oo ah hoteelka ugu caansan uguna da,ada weyn ee ku yaala xaafada Hawlwadaag , waxana laga soo kaxeeyey hotelkii 4 nin oo laba ka mid ahi yihiin wiilasha hotelka leh waxana lagu soo dhex tuuray gaadhigii shabaqlaha ahaa iyaga oo askartu ula dhaqmayso sidii niman denbillayaal ah

Waxa ku xigay oo lasoo baadhay hotel ibraahim oo isna wadada ku yaal waxana
laga soo kaxeeeyey 3 wiil oo iyagu hurday waxaa lagu xejiyay guriga Coondhe oo ku yaal isna jidkaasi dabeetana waxa loo dhaqaaqay dhanka Bbuulo qodax waxana si toos ah loo abaaray guri dabaqa oo ay leedahay gabadh la yidhaahdo Sureer waxana laga soo kaxeeyey 4 wiil ka dibna iyadoo aan hareeraha la eegin ayaa gawaadhidii si toosa waxa ay isugu daba galeen guriga maamulaha iskoolka secondariga Boosaaso Siciid Cismaan Siciid Fisikis waxana laga soo kaxeeyey 2 wiil saacadu markaa waxay maraysaa 2:55 am, ula dhaqmayso sidii niman denbillayaal ah.

Intaasi waxaa sii dheer guri walba oo la galay aad ayaa loo baaranayey waxana laga qaaadanayey moobilada labtoobyada iyo waxyaabaha fudud oo la qaadi karo , waxa naloo soo gelbiyey dhinaca xabsiga bartamaha , markii nala keenay ka dib waxaa nalaku
wareejiyey taliskii xabsiga waxana uu yidhi taliyihii na wareejinayey waa kuwan 20 kii nin ee aan kasoo qabanay guryihii calaamadsanaa ee nagala wareega , sida xoolo yarad loo bixinayo ayaa ragna na warejiyey ragna na gudoomay oo nala wareegay.,

Waxaa nala geeyey qolal aad u qudhmuun caafimaadka dadka ku jiraana aanu wanaagsanayn oo waxa ku jiray dad aad ugu baaba,ay oo tiradoodu gaadhayso 250 qof iyo qolal labo ah iyo daarad yar intaasi ma qaado 50 qof ay dadkaa badani ku
jiraan. Waagu haduu baryey ayaa saf naloo geliyey dhinaca xafiiska taliyaha waxana ay naga qaadeen sawiro iyada oo askartuna hadba qori sanka naga gelinayaan ayna leeyihiin waa qoladii atom waa ragii nalaayey ayaa nala keenay xafiiskii , xafiiska waxa fadhiya 5 nin waxan ay ku weydiinayaan su,aalo dhowr ah oo ay ka mid yihiin , *yaad tahay qabiilkaa , yaadkasii tahay, yaad kasii tahay ? hooyada qoladeed? maxaad ka shaqaysaa? buurta ma tagtaa? hebel dilkiisi maxaad ka ogeyd? Boosaaso maka baxdaa asbuuciiba hal mar? maxaa xaafadiina lagaga sheekaystaa? ,,,,,,, intaasoo su,aalood ka dibna waa lagu siidayn hadii waalidkaa uu yimaado meesha waxna uu bixiyo hadii kalese waa lagu celin.

Maamulka puntland si aad ah ayuu ugu xad gudbayaa xuquuqda banii aadamka weliba qabiilooyin gaara , beesha reer Sanaag ma ka helaysaa inay ahaato sidaan ku dhacda maalin walba iyo ihaanada lagu hayo odayada waaweyn ee wax garadka ah la baadhayo habeen walba guryohooda iyo hoteladooda , lana kaxaysanayo wiilashooda iyagoo u jeeda ? maxay tahay ujeedada maamulka puntland ayuu ka leeyahay falalka
xaqdaro ee habeen walba lagu kaco xaafada ay deganyahiin dadka reer Maakhir ?

Askariga ka tirsan maamulka puntland waxa uu sitaa waraaq uu ku baadi goobo dad gaara guryohoodana ku baarto hadaba amniga Puntland yaa ka masuula yaase duminaya?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*