
17th July 2026 admin Category :
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxeyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan afur ah oo soodhoweyn ah u sameeyay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Garoowe.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Sacii, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire , Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe) iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya .







