14th October 2024 admin Category :
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow ayaa maanta xarunta Qaramada Midoobay ee new Yorka kula kulmay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Dr. Waraqna Gebexo.
Madaxweynaha iyo Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD waxa ay ka hadleen xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ,gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha .
Waxaa kaloo Madaxweynaha iyo xoghayaha ay isla soo qaadeen sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.