11th October 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Culusoow ayaa maanta xarunta Qaramada Midoobay ee new Yorka kula kulmay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Dr. Waraqna Gebexo.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD  waxa ay ka hadleen xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ,gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha .

Waxaa kaloo Madaxweynaha iyo xoghayaha ay isla soo qaadeen sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Dr. Waraqna Gebexo, waxaa diiradda lagu saaray dardargalinta howlgalada ciidan ee lagu baacsanaayo kooxaha argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*