26th July 2024  admin  Category :

Maxay ka dhigan tahay cunaqabateynta uu Mareykanku uu saaray ragga hubka geeya Soomaaliya?

Bayaan lasoo dhigay bogga internetka ee Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Washington, ayaa lagu sheegay, in Xafiiska Xakameynta Hantida Dibadda ee wasaaraddu uu tallaabo ka qaaday Daacishta Soomaaliya taasoo ah cunaqabateyntii ugu horreysay ee lala beegsado laanta ka tirsan ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Bayaankan waxaa lagu sheegay in cunaqabateyn lagu soo rogay shabakad ka kooban toban qof oo Soomaali ah oo lagu tilmaamay in ay hubka sharci darrada ah soo geliyaan Soomaaliya.

Liiskan cusub ee uu Mareykanka soo saaray ee ay Soomaalida ku jiraan ayaa noqonaya midkii labaad ee uu dalkaas soo saaro muddo ka yar saddex todobaad.

Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ah madaxii hore ee waaxda sirdoonka ee ciidanka Daraawiishta ee Puntland ayaa BBC-da uga warramay waxa uu ka dhigan yahay liiskan cusub ee uu Mareykanku soo saaray. Wuxuu sheegay in warbixinta ay kusoo beegmeyso xilli dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dagaalka xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada sii xogeysanayaa ay wadaan beesha caalamka ee ka dhanka ah kooxdan.

“Liiskan wuxuu ka dhigan yahay dagaal baa lagula jiraa argagixisada, Mareykan horey ayuu ugu jiray, anagana waan kula jirnaa saaxibada ay iskaashadaan baan kamid nahay, dabcan xogo ay heleen buu ku saleysan yahay liiska ay soo saareen, waxaan moodda in wadashaqeyn u muujinayaan dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomalaiyeed ee ku jira dagaalka argagixisada.”

Mareykanka ayaa sheegay in raggan magacyadooda lasoo bandhigayo ay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin kooxda ISIS ee Somaaliya. Shabakaddan ayaa ka howl gasha Yemen iyo Soomaaliya, waxyna xiriir adag la leeyihiin kooxda Al-Qaacidada Yemen iyo Al-Shabaab, sida lagu sheegay war saxaafadeed-ka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu horey u cambaareeyay hubka Soomaaliya la geeyo ee gacanta u gala ururka Al Shabaab iyo ururada kale ee Soomaaliya ka jira, taas oo “xadgudub ku ah cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay.”

“Liiska wuxuu isugu jiraa dad ganacsato ah, qeyb burcadeed hore aheyd oo la cafiyay iyo qeyb laftigooda Shabaab ah, ganacsiga hubka waa gaar waa wax ka jira Soomaaliya.”

Wuxuu sheegay in shaki uu uga jiro dad qaar ee Mareykanka uu ku tilmaamay inay hubka soo geliyaan Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo in qofka ganacsadaha ay kooxaha u handadeen ama in kale.

“Shaki baa iga jira sababtoo ah Mareykanka xogta iskama sheegin cid buu ka helay, Soomaaliya xogaheedana dhinac bey ka raran yihiin , xaqiijin bey u baahan tahay, cabsi miyay wax kaga qaadeen qolada Daacish qofkaa ganacsadaha ah mise taageero qofka wuu taageersan yahay, maamulka waa in uu ka yimaadaa, kadib Mareykan loo gudbiyaa , haddii ay gudbiyeen waa inay tallaabo qaadaan maamulka oo ay caddeeyaan in qofkan sharciga la marsiiyay ama burcad badeed hore oo la cafiyay ama uu yahay qof argagixiso si loogu caddeeyo caalamka” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan.

Ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab
Qoraalka sawirka,Ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab

Warbixinta maxaa kusoo beegay xilliggan?

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu horraantii bishii september booqasho ku tegay dalka Mareykanka isagoo mas’uuliyiinta dalkaas ka codsaday sidii looga caawin lahaa dagaalka ay xukuumaddiisa kula jirto Al-Shabaab.

” Madaxweyne Xasan Sheekh booqashadiisii ugu dambeysay ee Mareykanka wuxuu la kulmay, wasaaradda gaashaandhiga iyo maaliyadda ayuu la kulmay, wuxuu ka codsaday in laga caawiyo in wax laga qabto dhaqaalaha sida dadban usoo gala Soomaaliya ee gaara Al-Shabaab iyo Daacish, waxay muujinayaan wadashaqeyntii iyo ballanqaadkii ay sameeyeen inay dardargelinayaan” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan.

Qaramada Midoobay ayaa ku adkeysatay in haddii Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta uu hubka noqon karo mid faraha ka baxa ama gacanta u gala dhinacyo aan ku habbooneyn.

Sida uu qabo madaxii hore ee sirdoonka Puntland, hubka sida sharci darrada ah siyaabo kala duwan ayaa lagu geeya Soomaaliya iyadoo uu noqday “suuq furan”.

“Dhulka wuu ballaaran yahay ciidamada Puntland ee ka shaqeeyo waa ciidan aad u qalabeysan..laakiin hubka mar mar waxaa lagu soo dejiyaa shaar dowladeed ama mid ganacsi , siyaabo badan buu hubka ku yimaadaa , baddaas intaas la eg ciidanka meel walbo ma taagna, hubka waa suuq furan xeebtaa dheer Soomaaliya meel kasta wuu ka degaa ilaa gobollada dhexe”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*