6th February 2023  admin  Category :

Qaar ka mid ah cullimada magaalada Badhan ayaa ka hadlay xariga loo geeystay Shiikh Maxamed Ismaaciil oo lagu xiray magaalada Hargeeysa; Shiikha ayaa lagu heeystaa sababta uu u tagay magaalada Badhan iyo sababta uu dad Daarood ah quraanka uu u soo saaray. Hadaba, Shiikha ayaa la sheegay inuu ku sugnaa magaalada Badhan muddo lix cisho ah, wuxuuna quraanka saaray dad fara badan oo xannuunsanaa.

 SNMta hoggaamiyayaashooda oo ah kuwo u badan qoolleeysato ayaa dadka iska xirta markii ay doonnaan, waxaana xabsiyada ka buuxa dad badan oo aan waxba galabsan. Waxaad marar badan arkeeysaa qooleeysatada SNMta hoggaamisa oo is oohisiinaya, qabriyadda lafaha ka soo saaraya oo leh dawladdii Kacaanka dhib noo geeysatay, waa nalla dulmiyey, balse waxa ay ku kacayaan maanta ayaa muujineeysa wajigooda dhabta ah.

Hadaba, SNMta ayaa loogu baaqay ineey sheekhaa xoriyadiisa u soo celliyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*