18th October 2024  admin  Category :

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha  Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya; hadaba shirkan kii ka horeeyey ayaa waxa uu ka dhacay dalka Biljimka, waxaana ugu weeynaa arrimihii la isku afgartay in la dhiso ciidan gaaraya 18,000 siddeed iyo tobbon kun oo ka kalla yimaada maamulada dalka.

Waxaa dhab ah, in heshiiskaas aysan jirin wax ka fullay, waxaana taa beddelkeeda ay madaxweeynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay dhiseen ciidan laga soo ururiyey Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaas oo lagu sheego ineey yihiin Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa dhab ah, in madaxweeynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay wataan qorshayaal iyaga gaar u ah kuwaas oo ah kuwa aan ummadda kalle la qabin, waxaana ugu  weeyn arrimaha ay wataan in meesha ay ka saaraan nidaamka federaalka, waana sababta ay meesha ugga saareen ineey dhisaan ciidan qaran oo maamulada oo dhan ka kalla yimaada.

 Haddii ay dhisaan ciidan ka kalla yimaada gobolada dalka oo dhan,oo dabadeedna la isku dhafo, waxa ay u arkaan ineey sii xoojineeyso nidaamka federaalka, marka si taas meesha looga saaro waxa booskii la gelliyey ciidan laga soo ururiyey Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaas oo la siiyey wixii qalaba iyo agab ahaa ee awal loogu tallagalay ciidanka ka kalla imanayey dhamaan gobolada dalka.

Hadaba, waxaa is weeydiin leh waxa maanta loo sheegi doono wufuuda beesha caalamka ee shirka ka soo qeeyb gashay, ma waxaa la oran doonaa ciidankii qaran waa kuwaas oo ah kuwa ay Farmaajo iyo kheeyre ka soo urursadeen magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda? Mise waxaa la oran doonaa maamulada ayaa diiday in la dhiso ciidankii 18,000 kun ahaa?

Waxaa hubbaal ah, ciidanka inuu ciidan ku noqon karo marka ay ka kalla yimaadaan dalka oo dhan, taas oo ka dhigeeysa kuwo tayo fiican leh oo ka tayo fiican ciidan beelleedka maanta ay Farmaajo iyo Kheeyre ka soo urursadeen xaafadaha kuwaas oo wata magacii ciidanka Soomaaliyeed, balse aan aheen.

Si kastaba ha ahaato, shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxa ka qeeyb gallay xubno dawladda ka socoda iyo maamul goboleedyada qaarkood ee  ah kuwo dawladda ay soo dhisatay. Hadaba, waxaan la garaneen waxa laga soo saari doono shirka maanta furmay marba haddii shirkan kii horeeyey ee ahaa in ciidan 18,000 kun ah lagu dhiso aan meeshiisa laga qaadin oo aysan waxba ka fullin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*