24th October 2024  admin  Category :

Dawladda federaalka ayaa dhawaan soo saartay warbixin ku saabsan dadkii ka danbeeyey qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir. Warbixintan ayaa ku soo koobtay ineey ka danbeeyeen qaraxa labo hablood oo meesha ka shaqeenayey.

Hadaba, baarintaanka ayaa u muuqda mid aan lagu qanci karin maadaama qaraxa meesha ka dhacay uu ahaa mid gacmo badan ay ka soo wada shaqeeyeen kaas oo u baahnaa baaritaan xeel dheer. Dawladda waxeey dadka ka dhaadhicineeysaa in labada hablood ee qaraxa geestay ay la soo galleen qaraxa xarunta iyagoo xaragoonaya, dabadeedna ay meesha qarxiyeen taas oo ah mid aan cidina ka dhaadhaceeyn.

In laba hablood oo kalliya dusha loo saaro wixii meesha ka dhacay, ayaa u muuqata mid la doonayo in wixii dhacay oo dhan halkaa lagu dhaafo maadaama ay sheegtay dawladda in dumarkii mid ka mid ah ay dhimatay, meesha mida kallana ay u baxsatay meelaha ay joogaan argaggixisada.

Waxaan la soconaa in ciidamo faro badan ay illaaliyaan xarumaha dawladda, maadaama amniga caasimadda Muqdisho uu yahay mid aan la isku halleen karin. Su’aal waxeey ka taagan tahay waxa ciidanka meesha illaalinayey ay sammeenayeen markii walxaha qarxa lala soo dhaafay albaabka. Waxaa dhab ah in ciidanka lafsadooda ay qeeyb ka ahaayeen in qaraxa albaabka la soo dhaafiyo, ayna yihiin cidda u sahashay in qaraxa meesha lala gallo.

Hadaba, Farmaajo iyo Kheeyre waxeey dadka u sheegayaan in Villa Soomaaliya oo iyaga lagu illaaliyo uu qof kasta oo meesha ka shaqeeyaa uu qarax iskalla soo gelli karo mar kasta uu u baahdo. Haddii ay saa tahay, maxaa lagu falayaa ciidanka faraha badan ee qaablilsan illaalinta amniga?

Haddiise kuwii indha la’aa ay la soo galayaan xarumaha dawladda qarax, maxaa diidaya in kuwii indhaha qabayna ay la soo gallaan hubka nukliyeerka iyo taangiyo? Si kastaba ha ahaato, su’aalo badan ayaa u baahan in laga jawaabo oo ku aadan sidii ay wax u dhaceen iyo dadka soo maleegay qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*