28th March 2024  admin  Category :

Lafta Green oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qayb galo shirka Taanbuuga ee Afasyooni

Mas’uuliyiin heer federaalka iyo heer dowlad goboleed isugu jira ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay saaka, madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka yimid dalka Turkiga oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa.

Madaxweyne Laftagareen, ayaa ka qeybgali doono shirka madaxweynaha jamhuuriyadda iclaamiyay oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaan dhameystirka heshiiskii 17 September 2020.

Horey waxaa magaalada Muqdisho ugu socnaa madaxweyniyaasha, Galmudug Hirshabeele, Jubaland iyo Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*