8th May 2024  admin  Category :

Maamulka Koonfur Galbeed oo Afhayeen u noqday Villa Wardhiigleey

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu burburay shir maalmihii la soo dhaafay dhanka qadka foggaan araga ee Zoomka ku dhex marayay Wakiilo ka kala socday Madaxtooyada Villa Somalia, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si looga arrinsado goobta iyo ajandayaasha shir lagu wado inuu dhex maro  Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirkii u dambeeyay ee maanta dhinacyadaas ku dhex maray qadka Zoomka ayaa is faham waa ku dhamaaday, kaddib markii la isku raaci waayay waqtiga iyo goobta uu shirka ka dhacayo, waxaana jiray soo jeedino kala duwan oo la xiriira taariikhda shirka dhacayo oo ay kala wateen xubnaha ka kala socday Maamul Goboleedyada oo midba taariikh gaar ah soo bandhigay.

Hase ahaatee markii intaas la isku fahmi waayay ayaa hadana dood kale ka dhalatay in Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isugu yimaadeen shir dhinaca qadka Zoomka, waxaana arrintaas diiday oo ka horyimid Maamulka Koofur Galbeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxtooyada Villa Somalia ay gadaal ka riixeysay Koofur Galbeed inay diido dalabka la xiriiray in ka hor inta aysan Madaxda shir isugu imaan, lagu kulmo qadka dhanka Zoom-ka.

Waxaa horay u jiray in Wakiilka ka socday Koofur Galbeed inuu soo jeediyay kulanka ay isugu imaanayaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inuu dhaco bartamaha bisha July, halka Qaramada Midoobey iyo wakiilada kale ee Beesha Caalamka ay doonayeen in shirka uu dhaco dhamaadka bisha June.

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa wax shir ah isugu imaan tan iyo bishii may ee sanadkii hore, xilligaasoo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku kulmeen magaalada Garowe, waxaana shirkaas uu ku dhamaaday burbur, kaddib markii qodobo dhowr ah la isku mari waayay

One thought on “Lafta Gareen iyo Demoqraadiyad

  1. Mustafa Mohamed Noor Jarafle

    Xagay ka keenaan naanaysaha mid walbi naanays buu wata sida lafta dhuuso iyo gacanta maroodi

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*