SOLO, Indonesia: Nin ka soo jeeda dalka Indoonisiya oo xaaskiisu ku lahayd lacag ay maxkamadi u xukuntay oo gaaraysa $10,000 ayaa maxkamadii keenay lacag Qadaadiic ah oo ayna ku jirin mid warqad ah
Dwi Susilarto ayaa maalintii khamiista maxkamada yimid isaga oo sida jawaano ay ka buuxaan lacag gaaraysa 153 million oo rupi ah una dhiganta ($10,500) oo wada Taano iyo Kumiyo ah, lacactan qadaadiicda ah ayaa culayskeedu gaarayey 900 oo kilogram.
Maxkamada gudaheeda ayaa waxa faraha lsula tegi lahaa, oo ku sigtay inay is gacan saaraan ninkii sarifka badan waday iyo qareenkii xaaskiisa oo diiday inuu lacagta qadaadiicda ah uu tirio
Qareenka ninka Kumiyada iyo taanooyinka waday ayaa kuu dooday in ninkani uuna qadaadiicda u soo qaadan inuu cid ku ceebaysto ee ay lacagtu tahay mid uu qaaraan kaga soo urursaday Qoyskiisa iyo asxaabtiisa, oo intooda badan ay soo siiyeen shilimadan
Setyowati oo ah xaaskii lacagta la siinayey, iyadu sheekadan qaaraan ayaa lacagta lagu helay oo ninkeedii hore la yimid ma qaadan , Waa ceebays uu aniga i ceebaysanyo waxa uu arintan u sameeyey ayeey sheegtay mar ay la hadlaysay warbaahinta – waxay la mid tahay isaga oo iigu yeedhay qof gaajoonaya.
Markii danbe lacagteeda qadaadiicda ahayd waa qaadatay, maxkamadda ayaa shaqaalaheeda ku xukuntay inay lacagta qadaadiicda ah tiriyaan